
Hooygan ama ardaagan waxa loogu talagalay BAAFINTA, URURINTA, KAYDKA iyo BANDHIGGA Suugaanta Somaliland. Suugaantaas oo kala ah kuna koobnayn, Gabayo, Heeso, Buraanbur, Geeraar iyo qaybaha kale eey u kala baxdo dhammaanteed. Hadaba, qofkii haya gabayo ama heeso ama suugaan kale oon hooygan ku jirin , waxaanu idinka codsanyna inaad noo soo gudbiyaan si aanu ula wadaagno dadweynaha reer Somaliland meelkasta ooy joogaan si ay ugu raaxaystaan uguna faanaan dhaqankooda qotada dheer. Waxa kaloonu ugu talagalnay hooygan reeeraha faraha badan ee qurbaha jooga si caruurtooda ay dhaqankooda u baraan ugana dhaadhiciyaan, qolooyinka soo koraya oon rajaynayno inay afafka qalaad u turjumi doonaan suugaanta Somaliland si adduunyada oo dhammi inoola wadaagto. Waxa kaloonu idinka codsanaynaa ruuuxi haya taariikhaha Abwaaniinta iyo fanaaniintaba inay noo soo gudbiyaan si aanu u xusno una aqoonsano qiimaha iyo qaayaha ay mudanyihiin xagga ereybixinta, qurxaynta, codaynta, dananinta iyo balaadhinta ama kordhinta afka Somaliga.
|
Qaybta Saddexaad
Maamulayaasha ardaagan lagu kaydiyo "Suuagaanta Somaliland" oo la yeeshay waraysi 'khaas ah" Abwaanka caanka ah Mudane Saxardiid Maxamad Cilmi oo ku magacdheer [ Jabiye] bishii oktoobar sanadkii 2000kii magaaladda Hargeysa. Su'aalihii iyo jawaabahoodi sidan ayay u dhaceen:
Su'aal: Ruwaayaddii hanaan qurux wanaag maxay ulajeedadeedu ahayd?
Saxardiid: Waxaan sameeyay ruwaayadda 60kii, qol ayaanay iskaga xidhnayd. Isla markiiba waxaan dareemay lababdeenii qaybood ee israacay inaan wax Somaliland loo ogolyahay aanay jirin. Debadeed 64kii ayaa markaan arkay inay wixii sii socdaan oonay waxba iska bedelayn ayaan doonay inaan dadka baraarujiyo si aynu uga soo goosano oo aynu inagu isu maamulo. Ruwaayaddu waxay ka socoto lama qeexo oo maraa la huwiyaa ilaa lagugu garto. Heesaha ku jiray Ruwaayadda waxa ka mid ahaa, hibooy hadal macaaneey, midha geed ku yaal, iyo heeso kaloo badan. Halkan ka akhriso midhaha heesha ku jiray
wixii ila garaadow gobanimo ha tuurina Shimbir
Hibooy Hadal macaaneey Shimbir
Guud Haldhaaleey shimbir
Ilwaad Quruxeey Shimbir iyo Magool iyo heeso kaloo badan oo aanaan halkan ku haynin.
Su'aal: waligaa gabayo miyaad samaysay?
Saxardiid: Haayoo gabayo badan ayaan sameeyay, laakin imika qaar badan ayaan ilaabay. Gabaygan waxaan tiriyay lixdankii oo aan kula hadlayay xamar oon Aadan Cadde la hadlayay.
gabaygan oo aan kaga hadlayay xumaatooyinka inagu soo fool lahaa oon islahaa dadka dareensii iyagoon u bislaan.
Suaal: Ruwaayaddii laguma dhaamee dhaqaaq siday ku soo baxday maxaanay ku saabsanayd?
Saxardiid: Ruwaayaddani waxay matalaysay dawladdii waqtigaa 1965kii wadanka ka talinaysay. Dawladdaas oo nin walbaaba lahaa anigay igu gudhaa. Sarkaal kasta oo dawaladda ka mid ihina uu dadka iskaga dhigo inuu yahay ka kaliya isagoo leh ciddi ima dhaanto. Ruwaayadda waxay ku socotay afar nin iyo gabadh, nin tuurleh, nin curyaanah, nin cawaran iyo nin xoog weyn. Heesaha ku jiray halkan ka akhriso qaar ka midah :
Deeqa arramidaadii
Ogow Garina
Calaf duug ma yeeshee
kani waa hanadkii iyo heeso kaloo badan oo wali naga maqan.
Suaal: Ruwaayaddii Booraamo Hadimo Ha Qodin ku Dhici Doontaana Mooyaane, heesihii ku jiray maxaa ka mid ahaa?
Saxardiid: Heesihii ku jiray ruwaayadda waxa ka mid ahaa:
Saxariir cabdi qays
Waxa i helay huq raagtay
kas caano galeen Magool
ogow bal eeg Magool
. lad oo ha liicin gacanlow hibo, iyo heeso kaloo badan
Akhriso Qaybta Afaraad
Suugaanta Saxardiid
Qaybtii Koobaad
Qaybtii Labbaad
Qaybtii Afaraad
Qaybtii Shanaad
Qaybtii Lixaad
Qaybtii Todobaad
|
|