DawdarFalan
Maxamed Aadan Caws
In dhaweydba doodiisa gabay daayayoo dhigaye
Dahrigayga waataan ka jaray dihashadiisiiye
Marba aniga oo daayey baa mid i danqaabaaye
Caawana digbaa igaga timi Haradi Doolloode
Hadba dawdar falan baa ka kaca nimanka Daaroode
Wixii Daarufley laga samray bay dibada keenaane
Dadka oo nabad isaga joogabay dacar ku oogaaye
Ina Cumar Dagoow waxa la yidhi diidde nabadiiye
Dekenada Isaaq waa beryaba waad dewerisaaye
Docmo nimanka yaalbaad intaa duula leedahaye
Dadka kama xishootaan markaa dili karaysaane
Siday dawladuu ugu kulmeen dunida hoosteeda
Anagu deyney Dibisyoonadii nimanka Daaroode
Denbi kama shaqayniyo colkii diiqanlayn jiraye
Dullinimo sidaa nooma gelin daacadda Ilaahe
Dabci gobannimaan leenihiyo dul iyo misaane
Daratoole iyo Caado oo wada diraabaaya
Danbar kulule daahyaalihii Deero laga qaaday
Markii udubkayagu daadsanaa Daaqatiyo Faafan
Ee geelayagu diisha dheer daaqa ka idleeyey
Goortuu dubbuu nagaga dhacay Dalalna ooyaayey
Duqa Cali ogaadeen markuu diradiraynaayey
Daa'ima caruura iyo markuu doqon ku sheegaayey
Dorraad hadalku waakii ahaa Doollo laga qaadye
Ma dabkii Talyaanigu qubaa daafad kugu biirshey
Ma dibbaa naloo tumay raggii dilayey sow miihin
Dalkan laysku haystaaba waa degeladiiniiye
Xagaa durugsateen gabaygu waa idinku deelqaafe