Nuur Dheere
Nuur Maxamuud Maxamed "Nuur Dheere" (HJ)
Nuur Dheere wuxu ka mid ahaa abwaannada Soomaliyeed ee ka soo jeeda gobolka Sanaag. Nuur Dheere oo ay isu gabyeen dhawr nin oo uu ka mid ahaa Dhunkaal (Muse Ismail) wuxu noolaa xilli ku aaddan 1880 -1940.
1. Gabaygan oo aan dhammayn waxa sida muuqata uu abwaanku ka tirshey colaad ay qabiilkiisa foodda is dareen Hartiga.
Hayaay iyo hayaay qayladii herer la gaadhsiiyey
Harti iyo waatuu dhammaa habar majeerteene
Warsangelina hurrin baa ka timi hororradiisii
Nimankii hawada raaray baa soo hammaansadaye
Ku hungoobe soor maalinay ku halligmaayeene
Waatuu dhulmahantuu hawiyo hiil la soo kacaye
Hu wanaagsan dhaafsuu is yidhi hayluhuu sidaye
Had-hadaafintii bay futada kaga hagaajeen dheh
Ka hakade kuwii geelayaga hawl yaraan bidaye
Huwiyaagle maantuu Buntuqu hirirglaynaayey
Hebellayga diiday hadaan ku hinjo maadhiinka
Haadkaan diyaafadin lahaa waana la hubaaye
Habar yoonis mooyee isaaq wada hunbaalleeye
2. Nuur Dheere (Uduruhmin) vs Dhukaal (Muuse Tuurwaa)
Nuur dheere waxay dhawr gabay is dhaafsadeen Dhunkaal oo isagu ka mid ahaa qolyihii raacay qawlaysatadii Daraawiishta isku sheegi jirtey ee hororkii Ina Cabdalle Xasan hoggaanka u hayey.
Dhawrkan tuduc ee soo socdaa waxay sida muuqata abwaannadu isku weydaarsadeen colaad ka mid ah kuwii Daraawiishta iyo beelaha Sanaag u dhaxaysay.
Dhunkaal
Dhamoow Diriiyoow xalay halbaa dhibay calooshiiye
Waan dhaban wahleeyey oo hurdada dhabuma raaxaysan
ii dhuub dhirrici baa ka timi dhawrsigii hore e
..
Nuur dheere
Is camaalaqaagaa iyo hurdada ciil u qabidaada
Sidii inan gun oo kaa cabsoon u curshi maalaynta
Ceelxaadh markaan laba iyo toban kaga cashaynaayey
Dhunkaaloow colkaa muu wax taro cara haddaad joogtey.
|