Ina Jadeer/X.Boqon
Tuducyadan koobani waxay ka mid yihiin erayada yar ee naga soo gaadhey maansooyinkii INA JADEER iyo XIRSI BOQON oo noolaa horraantii/badhtamihii Qarnigii 19aad. Waxa la yidhi nikii xirsi boqon oo Habar Yoonis ahaa ayaa u yimid Ina Jadeer (HA) oo yidhi aan gabayno, waxa la yidhi xirsiyoow soo daa, dabadeena wuxuu yidhi:
Arab hoori agaan miyaa kuu ina-adeer ah
Ninkaagani atoorka ah miyaa loo egmaday reero
Meeshaa kob lagu iishay iyo agab la,aan uun dheh
Sidaad u aragto ma dhama gabayadani oo waa bayd bayd, waxaa markaa ina jadeerna ugu jawaabay:
Curruf iyo Waraabe-Cuskay baa ciidan kuu xiga eh
Ninkaagani calaanka ah miyaa loo calmaday reero
Meeshaa kob lagu cayn go'iyo cidhib la'aanuun dheh
|