farax Shuriye
Faarax Shuuriye oo ahaa ninkii geyiga Mudug ugu gabayga badnaa waxa soo gaarey gabay aan na soo gaarin oo uu tirshey nin isqariyey balse aflagaadeeyn u geeystey qabiilka Faarax ka dhashay. Gabaygan wuxu jawaab u yahay gabaygaas cayda ah wuxuuna yiri Faarax Shuuriye Alla ha u naxariistee;
Mas galaalan good laba afla'a oo ganaya waabaayo
Abris ninuu god uga soo baxoo micida gaarsiiyey
Galad Eebbe mooyi iyo inuu uga gargaaraaye
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin
Nin libaax ku gowriirsadoo garabku hooseeyo
Oo u guudka kala saaran yahay miciyo gaal-leefa
Hadaan guutadiisii ka celin gucumaloow Aarka
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.
Badu nimey gurguurtoon aqoon gudubsi loo dhaafo
Oo u xiisku gaadaha marshoo gebiga dhaafsiiyey
Galad Eebbe mooyi iyo inuu uga gargaaraaye
Soow inuu go'aa lama ogoon galawdu raageynin.
Guudkii Hiraab nin u gabyay een igu ogaan geeri
Ee caalinkeenii Gobaad hadalla gaarsiiyey
Gujaalaan ku ridi ee muxuu libin ahuu gaaray.
|