Sidii Mayl akhbaartuu ku yimi lagu ogaanaayo
Ama Geel aroora oo saq-dhexe oodda kala jeexay
Ama geesh ilaalo u timi oo idil ku guuraaya
Axmedoow ayaantii xalay baa layla oogsadaye
Waxa iman amuurtii horiyo eelka dhici doona
Ummusha iyo Ugaadeenba waa wada illaawaane
Labaduba sidii loo arkay bay u il gadnaayeene
Kolba aniga oo aamusay buu alifyo keenaaye
Bal ogoow ikhyaariyo Xarbi baan iil ku ridayaaye
Eray waxan u naqay waa halkaad niman ku aanaysay
Annagay awoow noo ahayd awliyada qaare
Aw Yuusuf baa noo muddo ah iidda loo kaca'e
Goortuu ishaaray baa Qudbiga ururku joogaaye
Adna reer Wardheeriyo jin baa kuu agaasimane
Ilmihii Fircoon baad ahayd ubadki Qaaruune
Kitaabbada la eegiyo warkii Aadan laga keenay
Eedaanka waati aad Bilaal ka anfariirteene
Arladii Xajkii uma dhawid oo eegi lagu saarye
Lagaa ood udgoonkiyo dhulkuu eegay nebegiiye (NNKH)
Ashahaadda noo raatubaad idinku diiddeene
iimaanka waati aad sidii Ey ka cararteene
Addunkiinna dhacan baa Sekeda laga eryaayaaye
Afka Qaaba-Qawseyn halkii laysu iman doono
Ashahaadda maadaaba qira lagu ammaan doonto
Ogoobey Irdaha gabayga waan kala aqaannaaye
Onkod Heego-dhacay waa biyaha idibilkeediiye
Waa aydintaan marin jiree eray kalaan baanay
Haaruun ardaayada ka dumay sooma oriyaane
Adhi jabay raggoodii ka badan aarka noo galaye
.............................
...................