Faarax Nuur/ Ina Warfaa Suldaan
Wiil dhallinyaro ah oo Ciidagale ah oo la odhan jirey Ina Warfaa Suldaan ayaa u gabyey Faarax Nuur.
Wuxu yidhi Ina Warfaa Suldaan;
Nabsi gudaya Geydhoow la arag goor la joogaba'e
Guryahaaba lays daba degaa Gu' iyo Jiilaale
Halkuu galo guddoonbaa u dhacay gaama-ruugyada'e
Gunta kibirtay waagii horaa laga gol roonaaye
inuu Arab garmaamiyo dagaal gelinba cayn keeno
Iyo inaan geddaydii sankiyo dhegaha qaar gooyo
Raabboow gaalkuu muu noo fasaxo guga waxaan yeelo
Guulade iyo Guuleed Suldaan geesan kala roone
Goodbuu ku dhaqay aabbahay gaanbiyoow farase
Gadhkaagiyo gadhkiisaa sinnaa Goodiryow xumiyi
Gal Billaawe iyo baad toshaa gaalka weysada'e
Ganbo lama shaqaystee rugtaa ginigu noo yaalle
Faarax Nuur wuxu wiilkaa u tirshey laba tixood. Tixda hore waxay jawaab u tahay gabayga uu Ina Warfaa Suldaan tirshey. Gabayga danbe wuxu Faarax ku guhaamayaa wiilka isagoo uu siduu tilmaamay libaax la tegey Ina Warfaa Suldaan.
Abtirsiinadiinnii guray oo waa gudboonnahaye
Hadii godobtayada uumiyaha geedo loo mariyey
Anna maan gufaacada ridoon gaaddanka u reebo
Gildhigaanka maan liifadda iyo geliyo baaruudda
Wixii naga gardaran Jeedal maan gawda kaga saaro
Kob lagu giirtay meel lagu go'ay oy Geydho ololayso
Gammaankana dhacsiga layska wado labada geesoodba
Gorgorkuna hilbaha boobayoo guruxa soo saaray
Weli Arab garmaamaha dagaal gucummo Aar yeeshay
Oo geylamaayaadan arag goob awaara lehe
Waxsaad garan Gorgor baad tahee guud -caddaadiga'e
Gal Billaawe iyo waan tolaa gaalka weysada'e
labaduba garaad-laawe yohow waa gob shuqulkeede
Guunyadu haddii ay Baxdo oo gugu abaaroobo
Gurboodkaan dhaliyo naagahaan gego ku deeqaaye
Shir guddiya haddii reer tolkay gaar isugu meero
Aniga iyo Toban loo gartaybaa guurtidaw baxa'e
Oo weliba Geeraarka iyo Gabaygu ii dheere
Halkuu nacasku iga gaabiyaan garan aqoon waayey
Sidii roob intuu gaax tirsaday Guban ka soo hooray
Ama gaaladii BeerDhiga oo geydh u diriraysa
Ama Ramad nirgii laga guroo gubayo oon hayso
Ama Siig dab lala gaadayoo Geli ku rooraaya
Ama Aar intuu goonji cunay gelaya hawdkiisa
Ama Micis godkii lagu shidoo gebi ka yeedhaysa
Ma gam'ee habeenkii hurdada gawdu waa aniye
Gadhka malawle Gawdh iyo Tayaag gurada Xaabaale
Gabaahirtii duudka weyn? sii galgalanaysey
Gumburkii Abaarso iyo Wadne iyo guban intii eegta
Galgalaha Jaleelo iyo Hallaye, Gaafka Dararweyne
Guntiga Shiisha meesha iyo Guguc gacan-Dhariiryaale
Halka dhamasku hoos ugu go'o iyo Harada gaagaabaan
Niman baa gadaaman oo intaa gaadh ku meersadaye
Guga dhaw ha laga soo raree Qaalimmo u geeya
Haddii kalese goolaaftankiyo guuxa naga daaya
Faarax intuu gabaygii ku noqday ayuu Wiilkii guhaamay isagoo isaga soo dhigay Libaax. Wiilkii Ina Warfaa Suldaan gabaygan ka dib Libaax Baa qaatay oo halkaasuu ku naf waayey;
Gal-dad-liqa ul baa lagu dayaa laga danbeeyaaye
Weligiinba ceel dawlis leh yaad dalaq tidhaahdaane
Dubbo lagu mergado reer Aftaag waa dig siin jiraye
Dirkii kula dhashiyo aabahaa kuguma daayeene
Malaa midu Warfaa dayriyey oo daahan baa tahaye
Aarkii Daboolaan ahay oon debedda joogayne
Duddada geela wiilkaan sidii dawri kala boodi
Ama Dooy Yaxaas uga dhacaa waa dad aakhiro'e
|