Waa taan ka jaamidey beryahan gabay jarayntiiye
Jiilaalladii baan ka dhigay jir an irmaanayne
Xaluunbaa jaleelado la ridey jali cusbeeyeene
Janna-hele Cismaanoow tixdaan xalay ku soo jeeday
Sidii Johorad noo timi warkii jaahayaga nuuray
Jufnadaan? ka baalidey xalay jiibti kama seexan
Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya
Jawaab kalana waa maansadan jilay xisaabteeda
Jawaab waxan u naqay uumiyaha nagu jalaadaaya
Jarka boodhley reer Sugullihii joogey lagu laaye
jaarkii Burciyo laysla waa jinawgi Beereede
Raggii Faraska juuna u lahaa kama jareeyaane
Jeeraaradii baa Nugaal juudigii go'aye
Jaanqii ka madhay Keenadiid jaraygay baaneene
Jurmadoobahaa reer Qayaad Jabad ma buuxshaane
Jibsin reer Barkadi, Cali Geri bay jibo ku laayeene
Reer Samatar Jidhidii Afmeer kama jilbaystaane
Reer Nuux ma kala joogsannine waa jidiid dhabahe
Waatay ku kala jeel baxeen Juuba lays daraye
Jamaliyana qaar baa is dilay jillibadeediye
Wax Jabouti roobku dhex maray dhulu la jiitaaye
Ma jeclayn kuwii Adari weyn joogey galabtiiye
Dadkaba niman Waraabuu jug siin jiinka laga waaye
Jir ba maaha geerida Isaaq nagu jidhaystaaye
Jawaabtaa waxan u naqay uumiyii nagu jalaadaayey
Jawaab kalena waa maansadaan jilay xisaabteeda
Ma jameecadaa laga guntaday waa jihaad dhabahe
Senge jookh leh heensaha miyaa jiidhka lagu taagey
Ma raggaan jareexaynayey baa jiifka ledi waayey
Ma jibboodey reer Ciisihii Jemelku caayaayey
Juqda Dhadi miyaa loogu tegey jaahillada guurey
Maarrihi u la jiifsaday miyaa jaaha lagu diiray
Durba jooflihii Arab miyaa faras la jiidhsiiyey
Jab ma moodey awrtii daruur bari ka soo jeedda
Jaraad laguma faanee Ayaxa jeex ma le'ekaannay
Meeshiyo Jaleeliyo Horo, yaa jaanta loo simaye
Waxba yaan dagaalkii ku jirin jiidhay nimankiiye
Waxba yaanan Rooblena ku jerin jiifad erigiiye
kol hadday Jigjiga haybsadeen jimicyo ii qoorray
Maantaba Jirdii loo dhisay iyo juuci loo celiye
Suldaankii la jaakirey haddii laga Jawaab qaatay
Jaraha dhiga Jirkuba waa ridaa jalaw kaliileede