Xamdu Mahad
Qaaje Balas (HJ)
Qaaje Balas oo aanu magaciisa dhabta ahi na soo gaadhin wuxuu ahaa abwaan weyn oo aad murtidiisa loo xiiseeyo. Gabaygan soo socda oo aan dhammayn wuxu abwaanku u diray wiil uu dhalay oo qurbaha ku maqnaa waagaas. Qaaje oo sabaan xumi helay wuxu u yeedhay wiil wax qori jirey oo uu ka dalbaday inuu waxa uu u meeriyo uu qalinka ku duugo si uu ugu dawiyo wiilkiisa oo uu daryeel xumo kaga cawday;
Ilmaadeeradaa geela way igu ag maalaane
Haddaan aradka gaalada fadhiyo kuma illaaweene
Haddaan Aabbahaa ahay maxaad ii anfici weydey
Wiilkii markuu gabaygii helay ayuu aabihiis hanti xoog leh u soo diray. Qaaje markii uu dhiishii fakhriga dhigay ayuu waraaq kale oo gabay xanbaarsan u diray wiilkiisii isagoo ay erayadiisii ka mid ahaayeen;
Xamdu mahad Allaa igu xawilay weled xalaaleede
Xamdu mahad anaan xoogsan baan xaynka buuxsadaye
Xamdu mahad sidii Xaakimmada la igu soo xoonye
Xamdu mahad xigaal iyo tol iyo xidid haddaan yeeshay
|