Gabayo Qubane ah
Indhoole-Libaax
Gabayaagan Indhooolow Libaax lagu naanaysi jirey wuxuu ahaa gabyaa weyn oo caan. Murti naga soo gaadhay abwaanka waxa ka mid ah labadan tudduc; (Fadlan noo soo tebi wixii aad murti ka hayso Abwaankan)
Waataan isniintii dhawayd Awrka kuu raraye
Maantana maxay kaa ag dhigay sow Arbaca maaha
Jaamac Gacanlow (HA)
Jaamac Gacanlow oo reer Berbera ahaa wuxuu ahaa Abwaannada waaweyn ee Somalida. Gabaygan aan dhawrka beyd ka hayno wuxu abwaanku tirshey ka dib markii ay qoyskiisa oo tiro yaraa ay u tamar sheegteen qolo kale oo ay xigaalo yihiin kase tiro badnayd. Gabayga oo halhays noqday waxa ka mid ahaa
Mintid faro yar midhihii bataa kama macaashaane
Is-maroorintaa reer Wacays mahadinmaayaane
|