Digrii;
Haddii gabaygu dookhleeyahoo daawo lagu sheegay
Maansadu duxleedoo nin yidhi laga dambaynaayo
Daryeel Ina Suldaan la gefeen derisyadiisiiye
Markuu deelka kuu marinayee kuna dardaaraayey
Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso moyaane
Dorraatuu indiin sheegayoo waa ka durugteene
Hadduu dunida sii joogi laa wuu isdabilaaye
Danyareey halawbaad tahoo diidday waamada e
Waa kala dareerteen dhammaan waana damacdeene
Dabka hura ninkii ololiyaa dogbo u saartaane
Ninkii idin daraayaa mindida daab u gelinsaane
Dabinada mid kuu qoolayaa debec u loogtaane
Indinkoo dantiinnii luntiyo dawladnimo gaadhin
Idinkoo waxii daadsanaa dib u habaynaaya
Derbigii lagaa riday adoo dib u samaynaaya
Durdurada lagaa xidhay adoo weli darkii xaadhin
Dulmigii ku soo maray adoo dib uga sheekeeya
Adigoo ninkii kuu darraa weli ku doonaayo
Dawarsiga shisheeyaa adoo weli u dooyaysan
Adigoo dirkaa dhoofayoo debedda rooraayo
Dawrsiga shisheeyaa adoo weli u dooyaysan
Adigoo duumo way ba'an tahee durayna kuu raacay
Darbaddiyo xanuunkii adoo daranyo tiicaaya
Adigoo dawada soo rogeyn lagu dabiibaayo
Diihaalka gaajada adoo debinta ruugaaya
Dooryaan aduu kugu dhashoo digana kuu taallo
Adigoo dhukhsigu waa cawee dulin ku hiigaayo
Dalandoolka caydheed adoo diif la socon waayey
Dirridii adoon jeexinoo dalag ku beeraynin
Dusigiyo tacliintii adoon daalib gelinaynin
Adigoo daleed jiifa oo dabed bannaan yaalla
Adigoo dameer dhaansadoo dooxa hoganaaya
Adigoo dabaylaha dhaciyo daadka mari waayey
Adigoo dugaag kaa jirqaday dacawga jiilaalku
Dakharada adoo dhaya halkii doogtu qabanaysay
Adigoo dabkii ku baxayo damin halkii qiiqday
Adigoo ducada aan u dhigin shalay ninkaad duugtay
Dariiqaad maraysiyo adoon dawga salabaynin
Dunbuqaad ridaysaan ayaa derojo mooddeene
Sawdingan dabaabadka koray dabar ma soohdaane.
Ninkii dabacadaadeed ku hadhay sharafna doonaayey
Mar hadduu waxuu damacsanaa daayin dhaxalsiiyey
Oo uu dalkiisii fadhiyo lana durraynaynin
Digrigiyo xadiiskuu akhriyo duco la waageero
Dumarkoo dheryaa saara oo dadabta sii xaadha
Oo xeedhyahii loogu daro dukhus la iidaamay
Dufan uu ku dhayo meelahii nabaraduu duubay
Marna uu durbaanada tumoo daramalkii saaro
Dulmar uu la dheeloo cayaar jaanta digifleeyo
Oo diigga waaberi ku simo waa dabadiisa
Oo uu damaashaad ku jiro dig iyo raaxaysi
Dambarkeeda maaloo xornimo dan ugu laafyood
Duleedkiisa xaadhay ahayd kaynta doogga leh
Maantana hadduu duul u kaco waa darxumo weyne
Waa wada dareentee dhibtoo daal ku soo mudaye
Haddii aad iswada dooxataan dib u dhacweeyaane
Dabka aad sidaan iyo hubkaa lala dawaafaayo
Degta waxa ku haysaan madfaca delaya ruuxaaye
Sawdigan diciif baad tahee gelaya duulaanka
Sawdigan habeenkoo dam yidhi dilay xigaalkaaga
Sawdigan walaalkaa dabee dilay dhallaankiisa
Sawdigan dadkii kula dhashiyo deriska laynaaya
Sawdigan adoo soo dib jirey duurka miranaaya
Sawdigan damiirkaa baqee diirka bahal yeeshay
Sawdigan dumaashii ku qaba dumar agoomoobay
Sawdigan dunuubtii ku jira diinta lagu sheegay
Sawdigan daboolee xaqii duudsi sharaf mooday
Sawdigan waxaan kaa digay dib u samaynaaya.
Afartaa daleeyee mid baan kuu darayaa
Runta lama daboolee warkaan daafta dhigayaaye
Maansadu halkay daarrantaan kula dadaalaaye
Dawaarkeeda waan marinayaa meesha kaa dedane
Waxa aan u dacal saarayaa tan iyo dooxii
Dambaskiyo waxaan baadhayaa digada reeraaye
Dalawgiyo waaxaan eegayaa meesha kaa dedane
Dahaadhkaan ka rogayaa waxay dabaqa saareene
Nin diidiyo nin doona tix baan taafta dhigayaaye
Duqda oroday baa geela kale daba raxleeyaaye
Daratoole nimankii dhashaa nooqu sii darane
Ayagaa dudada noo fadhiya daayin abidkoode
Qloqolo ma daayaane waynagu dabreeyaane
Da'dii hore waxay garanayaan dirir sookeeyaade
Dakanada kuwii kala qabay dib u sheekayne
Daandaasi gabaygii ahaa maanta waw dahabe
Dakharkii carruurtiyo markii doob la kala boobay
Ee udubku kala daadsanaa laysla dubanaayey
Dahabiyo markii lala tegee duunyo laga waayey
Darkii bay ka sheekayn halkay dirir u joogeene
Haddii daacad ay wada yihiin lama dulloobeene
Nin dantiisa ku gaadhayaa daasad kuu tumiye
Anigiyo da'dayduba qabiil diidnay waa hore e
Wakhtigaa isdoorshoo adduun waa isdaba jooge
Dugsigiyo tacliintii kuwii daayin dhiganaayey
Diiwaanka nimkii hayee dunida soo koobay
Distoorkiyo cilmiga kii yaqiin maba danaysaane
Dibloomaa ma eegtaane waa lagu dugaadhaaye
Kumanyaal dustuurkii akhriyey dawlad lagu taago
Iyo kuman da'dooduba yartoo doorkan garanaaya
Kumanyaal wax daadihin karoo dunida soo koobay
Iyo kuman qabiilada ka dama daxalka hooseeye
Iyo kuman dadaaloo midnimo shicib u doonaaya
Dhallinyaradu doorkay lahayd looga dacareeye
Ninka dawlada aasaasayee raba dariiqeede
Mabda' laysku doortaa jiroo laga dambeeyaaye
Derejada waxaa hela ninkii shicibku doortaaye
Nin qabiil duduucaayo baa duudka kaa koriye
Habar waliba kay soo dirtay diric ku sheegtaaye
Hebel noogu dara doorkayaga dooddu way odhane
Danjiraha intay wada rabaan ma laha daabaane
Dawo malaha taan ogey intay qolo dudaysaaye
Dumarkiyo carruurtiyo middii dadab ka soo jeedda
Daba dhawga geeliyo midkii daylo celinaaya
Dukaanlaha wax iibshiyo midkii dad u xamaalaaya
Diktoorkiyo fanaankiyo haddaan darawal soo qaato
Dibjirkiyo nin liitiyo miday dani waxyeelaysay
Dilaalkiyo malaalkiyo midkii duunyo raranaaya
Sida dawlada loo maamulaa debec u sheegtaane
Digrii baa kuwada qaadateen dookh siyaasada e
Dariiqyaa ka saarteen dhulkii doogna kaa dhimaye
Dudadiinu waa oomanoo daajis maa rarage e
Dixidii dhamaatoo ma jiro daaqa xooluhuye
Dogobyada markaa ololiseen didise cawshiiye
Dabagaale maan arag markaan duudka soo maraye
Doofaaki meeshuu ka dhacay maydin deydeyine
Dinnadaha rag baa ururiyee dabe kuweeniiye
Dayocali ma joogtoo naflii dabar go'weeyaane.
Wax duuliyo wax daaqaba ma arag diin kolay tahaye
Duuddiyo galoolkii la xiir Deeble waa halise
Qudhacii markaad diirateen dadayoo socoye
Waa lama degaan kaymahii damasha weeynaaye
Dambas baa inoo hadhi illayn dib uma beertaane
Markaasay dabaylahu ku qaban dayro dhaafyaduye
Maansadu halkay daarrantaan kula dadaalaaye
Dawaarkeeda waan marinayaa meesha kaa dedane
Nin diidiyo nin doonaba tixbaan daafta dhigayaaye
Ninkay dani arladan keentayee xumaha doonaaya
Ee soo diboodee in badan doonni fanaanaaye
Kala dide dadkii wada dhashoo waa dabaylaha e
Daaduun haddii aad ku timi dunida baasheeda
Dusha aad ka fuushoo nin kale daarta kula nooshay
Adigoo dalkaagii ka yimi debedna meeraaya
Oo deris tahiin gaaladoo cidi ku doonaynin
Dermo kale laguu dhigay markaad duubtay gogoshaada
Haddii aad damiir leedahoo damaq la ooyayso
Waxii dabada kaa soo eryaday hoos umaad deyine
Ninkii duudka kaa raranayee dilay raggii hoyday
Haddii uu qabiil damacsanaa waad la deristaaye
Dacartii kamaad kicin siyaad dabafurkeediiye
Kamaad diirin meeshaad degtiyo dawlankaad tahaye
Dersinkaad horaysiyo markaad adigu daalbeeshay
Sawdigan dinaahyaynayee weliba doodaaya
Darandoorigiisaa ku hoday jeeg la soodiraye
Markaad doollarkii samafalkiyo guratay deeq joogta
Dabaylaha warkaad fari taqaan waanad dirataaye
Duryankaaga sheekada intuu daalay madaxaydiirahee
Dibirow warkaad faafisaa kala dil weeyaane
Ninka aniga ila diirahee diinna ila yeeshay
Ninkaan daarta wada seexannee doobi ila quutay
Ninkay dihatay tii ila kortee daadah ugu yeedhay
Ninka ila degaanka ah dhulkee doogga wada leenay
Debnahiisa hadalkiyo ninkaan dooca garanaayo
Nimaan dayr na kala oodinoo degel wadaagayno
Badaa laga dabaashiyo nimaan doox na kala qaybin
Waxa aan u daandaansadaa waa damiir xumo e
Kumaad dayan halkaad soo degtiyo dunida kaa roone
Mabaad deyin inay wada degaan laba isdiidaaye
Distoorkaa la wada eegayaa dawlad loo simane
Dirirkiyo waxaad eegi layd diilintii guraye
Dabagaabahaad haybsanlayd duliyo meel dheere
Dayaxaad ka faalloon layd waa lagaa degaye
Waxaad diiradaa saari layd dawga loo maraye
Adiguna xalaa laysku degey daahirow tidhiye
Intaad dooni sheekada dhacdiyo dil iyo laayaanka
Dabay baan u yeedhiyo intaad hadal dilaalayso
Dulin baad ku tahay meeshanaad duhur shaqaynaye
Ka dabaalo meeshaad degtiyo deynka lagu siiyo.