Dhadhab
Kayd Maxamed Cabdalla
Waxaan tiriyey gabaygan la yidhaa dhadhab sannadku markuu ahaa 1982, waxaan la ujeeddo yahay kuwaas ka horreeyey asaga. Haddii ay tahay dawladxumo, ismaqal la'aan iyo sunta qabiilada oo ku fidsan dadweynaha iyo ku hoggaanka hayaba. Markaas waa caloolyow iyo tiiraanyo sheeg aan kaga hadlayo dhabada xun ee aan hayno sida aan looga tashanayn taas oo dhalisay midhaha ay guurteen dadkii Soomaliyeed ka dib markii ay taliska lumisay dawladdii Maxamed S. Barre.
Nimanyahaw dhibaatada adduun laga dhammaan waaye
Dhalashada halkii aan nimi dhoorku nagu daalye
Dharaaraha la noolyahay naflaha raaxo kala dheere
Dhaqdhaqaa intuu ku jiree dhuuni dabajoogto
Dhardhaarada inaad weydo way dhici karaysaaye
Adigoo dhulkaagii fadiya dheregna eegaaya
Oo dhoolka soo kacay fadkiyo dhibicu hooraayo
Maruun bay dhirbaaxada wakhtigu ku dhacaysaaye
Taariikhdu way soo dhignayd tan iyo waa dheere
Soomaali dhaawaca ku yaal dhimasho waw kowe
Dhaayaha wixii lagu arkaa dhaygag ku reebye
Dhegahana waxaa lagu maqlaa dhiilla joogta ahe
Dhudhumadu halkay nala maraan dhaqaxyo weeyaane
Dhinacaan u seexdaba hurdada dhamac la ii saarye
Dhadhamadu macaan maleh inaad dhereto mooyaane
Malaa dhimashadaa lagu nastaa dhoofka aakhiro e
Dhawdhawda sheekada warkiyo dhiillo ii timiye
Dhagar qabe dhulkaygii hantiyey ina dhaleeceeyey
Dhuuxayga goortuu karsaday dhibi shaxlaynaaya
Dhuxdhux hoose dhaantada baxdee dhawda maqshiiya
Ma ogtahay dhallaankii kacee ku dhawaaqaayey
May dheelalaabine markii dhiigga laga nuugay
Dhalanteedka aan jirin markaad ugu dhawaaqaysay
Dhegahoodu way garanayeen dhaarta beenta ahe
Dhuuggii cunaayey arkeen Dhebi hashoodiiye
Dhiishii nafsiga waadigaa dhaamiyee hilaye
Dhaylada baruurtiyo ninkaan dhinac u shiilaayey
Dhudhumada markii uu subkaday dhaashi maan heline
Dhaydiyo labeentii markaan dhaanka ugu keenay
Ee aan dhitada maalin weyn dhiisha uga buuxshay
Isagiyo dhashiisii hadday dhereg la jiifaane
Dhud Maraaya Dhuurtoo baxdiyo Dheenta iyo Fooxa
Dhosoq qoyey Dharkaynkoo qalalay Dhebi la iidaamay
Dhuyac qoyey dhunkaal iigu qoosh Dhicirna ii shiilye
Dhurihii markuu iga jabshuu dhoofka ii diraye
Dhulshisheeye kama raadiyeen dhuuni aan cuno e
Dhididkayga lama iibsadeen dhawr anoo qadaye
Dhafoorkayga waa laga arkaa dhib iyo laandayre
Bal maxaan dhulkaygii la tegi dheri ma saaraane?
Soomaali dhawr baa ku jira dhaanto kuu tuma e
Kuwa dhuumanaayaan arakaa dhabarku muuqdaaye
Waxay daba dhusleeyaanna waa dhururi shaydaane
Anigaa dhibiiq iyo korsaday dhoobley shilintiiye
Dhugta waxa lagu bartaa geesi aan dhimasho diidayne
Dhooliga markii lagu ridee dhiigga lagu maydho
Tii dhabarka saartiyo markay dhalashadii oydo
Dhalmaayaa cuntaa lagu yidhaa lana dhaqaaqaaye
Dhinacaaga weeyaan halkay dhagartu taallaaye
Afrikuu gumeysigu ku dhalay dhawr sanoo tegaye
Waa kii dharaar qaysadee dhamay waxoodiiye
Dhoobada Hargeysiyo Burciyo Seylac dhinaceeda
Dhukusaadda waa kii ku yimi dhaabahii bariye
Gobannimo dharaartii la helay dheesha lagu qaadye
Dhaxantiyo kamay kicin halkii dharabka weyneyde
Dhedediyo habaaskii ku dhibica moodaaye
Dhawrsada markii lagu lahaa dhuranka may deyne
Ways dhega marjeeyeen kuwaan dhiirri leeyahaye
Weli dhaawacii hore ayaan dhaymo loo heline
Dhalandhoolka weeyaan waxay dhaxal u yeesheene
Sidii deeha geeloo harraad dhuunta kala gooyey
Dharaqdhoonka waa lagu yaaqaan inay dhaqaaqdaaye
Dhacoodiga habeenkii hadday dhacantu hayn weydo
Oo ay dhabada taabatoo dhaanka daba luuddo
Ma og tahay dhurwaagii cunee dhinac u tuuryeeya
Dhereg kama helaayee laftuu noosha geliyaaye
Aniguna dhiggeedaan ahoo dhuubtay Caliyawe(BANFAS)
Dhegaatiga misgaa lagu xidhee dhinac I naafeeyey
Ee dhaadka lay sudhay wallee dhaaxa waan furiye
Dheeldheelli kii igu ogaa dhaanka wuu rariye
Dhaqdhaqaaq dadkaygaan lahayn dhiidhi noloeede
Dhabii nolosha loo mari lahaa dhuganba maayaane
Dhagacsii asaagood intay dhiilka culayaane
Iyagaa is dhabar goynayoo dhaaftay taladiiye
Dhaqmaatiga hadday kala dhacaan dhuubka geedaha e
Haddii dhidarka ay wada eryaan dhibi ma joogteene
Dhaxalkii qabiilkay hantiye kuna dhammaadeene
Anuun baa dhadhabayee dirkay wax isma dhaamaane.
|