Kayd Maxamed Cabdulle
Dalmar
Iyada oo dagaal loo ugu jirey sidii loo ridi lahaa dawladdii siyaad barre, ayaan jiiftadan tiriyey 1990 , waxaanay u digeysey haddii maamulkaa la iska rido in haddii ay dawlad dadku aasaasaan aanay ayana noqon mid qabiil ku dhisan, la iskana Jiro kuwa jecel in ay xukunka qabiil ku hantiyaan.
Waxaa kale oo ay taabanaysaa nolosha qurbaha.
Inkastoon dabuub gabay
Hadallada dahsoonee
Damaqiyo xanuunka le
Iska diiday waa hore
Maansada dareenka ley
Hadba ducaducayniyo
Daandaansi badanaa
Afka lama daboolee
Debno ooman baa jira
Maskaxduna ma daashee
Hadal ducasho badanaa
Deeleyda heestuna
Dawankeedu dheeraa
Anigoo doc jiifoo
Dermadii la dhigay
Darafkeeda dhaafayn
sow daadah may odhan
Oo dibedda soo baro
Miyaan dalandal socodkii
Dudadii ma joogine
Weli duulayaayoo
Durkiyoo tallaabada
Dacalkii adduunkiyo
Dabadiisa aan imi
Dalmar weeye magacay
Anigiyo da'daydaba
Maa laa daayinkaa baday
Kala daadsanaantiyo
Debedaha warggiyo
Kala daadsanaantee
Dal qalaad wanaag ma leh
Derejiyo sarrayn ma leh
Deris iyo xigaal ma leh
Dugsi iyo gabbood ma leh
Ninka dani ka haysow
Adigiyo damiirkaa
Debed joogga yeelkaa
Carab dirashadeediyo
Dafiraadda yeelkaa
Gaal kuu darraadiyo
Digsi maydhka yeelkaa
Ducadiyo samaantana
Wuxuu daayin yeeliyo
Wuxuu diido yeelkeen
Innagaa danteeniyo
Garan weyney dawgee
U darsaday dhulkaygii
Waxaan tebey daruurii
Dusha iga hadhayn jirey
Iyo diillintii gurey
Dabshidkii hadduu galo
Dogboyada ma tuurroo
Lama oga diraaciyo
Dayr iyo xagaayoo
Dardhad weeye meeshani
Ma deggani ma duulani
Tolow daalku waa maxay?
Ma dillani manaan dagan
Duuga weeye xaajadu
Nin dabayshadaan ahay
Anigiyo dirkaygaba
Dawrsiga shisheeyaa
Kuwa door bidaan nahay
Dabagiije waa kuma
Hooyadii dagaal geli
Isna doonni soo raac
Anigaa ka sii daran
Damac wuxuu i leeyahay
Doqonyahaw qurbaha joog
Anna diiday maan odhan
Dooddiise noo furan
Isagiyo darraynkay
Dacwaddoodi joogtaa
Diintii islaamkiyo
Dhaqankii diciifyoo
Afkii hooyo duugaw
Dibna looma qaban karo
Labadii isdoortee
Isu doonanayd iyo
Laba deris ahayd
Laba daarad wada tiil
Dahabiyo dhasheedii
Kala dide dadweynii
Markuu dulinku soo baxay
Dooxii hargeysiyo
Burco daafaheedii
Dusha ceerigaabiyo
Dacallada nugaaleed
Degmo qudha ayaa tiin
Ummad yahay dantiiniyo
Dirir baa u joogtaan
Dulmigiyo dhibaatada
Haddii aad ka diirteen
Kana digigixooteen
Xaqaagii la duudsiyey
U dagaalamaysaan
Daal iyo harradiyo
Diihaal ku nooshiin
Weli daalin baa jira
Rag danaysta baa badan
Dire dire dadweynaa
Habar habar nin doonoo
Sunta daadiyaa nool
Wixii dilay awowgii
Dulcad dhigay asaaggii
Dulmigiyo qabiilaa
Nin u daacadaa jira
Haddaan laga digtoonaan
Oo layska dala'sado
Dunqulaalka uu shido
Dibbaa looga sheekayn
Degmadaa ku nooshiin
Haddii daad ku soo jabo
Ma dabaalanaysaan
Daranyadiyo gaajada
Diihaalka caydheed
Waallee kama dawowdaan
Nacabkii ku dooxiyo
Ninkii daarta kaa ridey
Duunyadaa kii dhacay
Dulinkii ku soo cunay
Kama diirsataan abid.
|
Anshax
Waxa ay soo baxday heestani 1990 wakhtigaas oo isbedelkii dawladdii inta badan ka talinaysay dalka lagu jirey, markaas aniga oo dareenkayga ka hadlaya sidii aan xilligaa u fikirayey ayaan heestan tiriyey . Waxa kale oo heestu ka hadlaysaa ayana dhibaatada qurbaha ka soo gaadhay dadkii soo qaxay.
Murtiyahay afkaygiyo
Uurkiyo calooshiyo
Obocdayda soo dhaaf
Soo jebi albaabada
Irridana ka soo bood
Uunkaan la noolahay
Halka eeshu taalliyo
U astee dhibaatada
Urugada i haysiyo
Uurkutaalladaan qabo
Nafta aynigeed go'ay
Araggayga liitiyo
Ilma qubashdaydiyo
Ummal tiica socodkiyo
Amakaagga nololeed
Agihii hargeysiyo
Burco oollinkeediyo
Arabsiyo ha gaadhee
Araryahay ka faallood
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii
Ninka aarsanaayee
Arligiisa daafaca
Kula oogan hawlaha
Ab halkuu lahaan jirey
Lagu diray aboorkiyo
Abriskii siyaadiyo
Awrkiraalahiisii
Isagoo asaagaya
Haddii uu ordaayoo
Oon iyo harraad qabo
Anfacii hadhuudh yahay
Haddii awrta loo raro
Arbaciyo khamiisiyo
Kala garan ayaamaa
Inaan wada ogsoonoo
Arxankii walaalnimo
Oogada jidhkaygiyo
Damqanaayo uurkuna
Arar yahay ka faallood
Eraygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii
Aar waxad ku leedahay
Ilmihii koraayiyo
Haddii ooridaadii
Aaggii dagaalkiyo
Eedaadayaan hawad
Waxa aafo kaa badan
Oo kaa amuur culus
Amma kaa itaal daran
Ololkii cadaabtiyo
Aakhiro ha joogtee
Ifka kaaga hawl badan
Kuwa soo ordaayee
Adigoo agtoodiyo
Xamar oogadeediyo
Iimey dagaal gelin
Isu uubateeyee
Isha ceel berdaaliyo
Lagau jaray afmeerkee
Uus miirad koodii
Bahaluhu amleeyeen
Idhankiina buuxsamay
Anaa soo abraaroo
Sida eeri dhabankii
Alanbaqa ka duuloo
Meel aan awow iyo
Isir iyo walaaliyo
Weli aabbo raad dhigin
Orodkii ku gaadhaye
Hadii aad arooriyo
Iftiinkii dharaarnimo
Isniin aydun joogtaan
Annagan alleyliyo
Axad baa na dhaaftoo
Waa kala adduunyee
Idil waxaad ku leedahay
Uu gaabadii hore
Raggii oogsadaan ahay
Afarqaadka socodkii
Kuwii aradka gaalada
Ku ekeeyey baan ahay
Inaan ahay addoonoo
Nin ameerikaaniyo
Afrikaanka kii dhacay
U adeego ruux kale
Arar yahay ka faallood
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii
Astur waxad ku leedahay
Ubadkiyo carruurtii
Orgomaa ka soo diday
Edebtiyo xishoodkii
Anshaxoodu waa halis
Inay ooyayaanoo
Amakaagsanyiinoo
Eddo ruux tidhaahdiyo
Maqan tahay ayaydood
Arar yahay ka faallod
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii
Amran waxaad ku leedahay
Haddii aabbahaa go'ay
Hooyadaa agoon tahay
Aqalkii lagaa riday
Adimadu ku daaleen
Amikaarka guuxiyo
Aakeega weheshoo
Wuxuu eebbe kuu qoray
Ninna oolinmaayee
Adigiyo ayaankaa
Wakhtigaa amuurtiyo
Absiyo dhibaatada
Aafaadka nololeed
Ololaha dagaalkiyo
Nagu riday alhuuntee
Dadka oolinkood go'ay
Iyo oodda wada taal
Inay aayo daranyiin
Abtirsiimo hoosiyo
Edegedeg ma diidaan
Odayadu sidoodaba
Arrin kuma heshiiyaan
Arar yahay ka faallood
Ereygaa ku sheekee
Ehelkayga gaadhsii
Oo wada ogeysii
Wakhtiyahaw abaartiyo
Ubaxaaga kala daa
Ufa yahay habaaskiyo
Urta roobka kala daa
Umul yahay xanuunkiyo
Kala daa illawshaha
Allahayaw afweyniyo
Ummaddaada kala daa
Unkay oo ka dheelmaday
Hadaba ila xidh doogliyo
Idhankiyo tigaaddii
Ku ekeeyey maansada
Anbaqaaday jiiftada
Aarkii ciyaayow
Sow aaran maad helin
Ajadii la miiraay
Uf miyaan ku leeyahay
Ergadii la keenaay
Miyaan oodda kaa rogay
Abriskii gudaayow
Ushi sow kumay dilin
Utintii la reebaay
Ninkii uurka ii dabay
Eebada markuu ganay
Sow oofta may jarin
Eexada qabiilnimo
Ka awoodda moodow
Sow iil kumay dhigin
Oogtaan shidaayee
Ololkeeda daaraay
Soomaali ururtiyo
Anbad kaan sugaayee
Waa maxay abeesada
Ilmaheeda wadataa
Iyo ayda lay galay
Ubadii la buux shaay
Aagaanka foorora
Aqalbaa wadaagtaan
Ninka aan irmaantiyo
Idahaan dhaqaayiyo
U bireeyey awrkow
Sawdigan adeeryada
Shimbirii ugaadhsaday
Ee uurcastii diley
Omos yahow harraaddani
Ilka yahaw cadaawee
Ruuxii abaal gala
Axankiisa feentaa
Ibleys yahaw la soo diray
Ashahaadan mayside
Aakhiro xaggeed tegi
|
Dardhad
Heestani waxay soo baxday sannadkii 1990, waxa ay ka sheekaynaysaa markii dadka soomaliyeed halganka ugu jireen sidii loo ridi lahaa dawladdii maxamed siyaad barre, waxaa kale oo ay tusaale ka bixinaysaa dhibaatooyinka uu qurbuhu leeyahay haddii aannu nahay dadkii ka soo qaxay maamul xumada dhulka ka socotey. Heestu waxa kale oo ay u digaysaa haddii la gartay in la rido taliskaa ka bedelayaa in aanu ku shaqay nadaamkii ay ka tagtay dawladdii hore.
Inkastoon dabuub gabay
Hadalada dahsoonee
Damaqiyo xanuunka leh
Iska daayey waa hore
Maansada dareenkali
Hadba ducaducayniyo
Daandaansi badanaa
Afka lama daboolee
Debno ooman baa jira
Maskaxduna ma daashee
Hadal ducasho badanaa
Deeleyda heestuna
Dawankeedu dheeraa
Anigoo doc jiifoo
Dermadii la ii dhigay
Darafkeeda dhaafay
Saw daadah may odhan
Oo debedda soo baro
Miyaan dalandal socodkii
Dudadii ma joogine
Weli duulayaayoo
Dacalkii adduunkiyo
Dabadiisa aan imi
Dalmar weeye magacay
Anigiyo da'daydaba
Malaa daayinkaa baday
Dekedaha ka dhoofkiyo
Kala daadsanaantiyo
Debedaha wareeggee
Dalqalaad wanaag ma leh
Derejiyo sarrayn ma leh
Deris iyo xigaal ma leh
Dugsi iyo gabbood ma leh
Ninka dani ka haysow
Adigiyo damiirkaa
Debed joogga yeelkaa
Carab dirashadeediyo
Dafiraadda yeelkaa
Gaal kuu darraadiyo
Digsi maydhka yeelkaa
Ducadiyo samaantana
Wuxuu daayin yeeliyo
Wuxuu diido yeelkeen
Innagaa danteeniyo
Garanweyney dawgee
U darsaday dhulkaygii
Waxaan tebey daruurii
Dusha iga hadhayn jirey
Iyo diilintii gurey
Dabshidkii hadduu galo
Dogobyada ma tuurroo
Lama oga diraaciyo
Dayir iyo xagaayoo
Dardhad weeye meeshani
Ma degani ma duulani
Tolow daalku waa maxay?
Ma dillani manaan dagan
Duuga weeye sheekadu
Nin dabayshadaan ahay
Anigiyo dirkaan garan
Dawarsiga shisheeyaa
Kuwa door bidaan nahay
Dabagiije waa kuma
Hooyadii dagaal geli
Isna doonni soo raac
Anigaa ka sii daran
Damac wuxu i leeyahay
Doqonyohow qurbaha joog
Anna diiday maan odhan
Dooddiise noo furan
Isagiyo dareen baa
Dacwadoodi joogtaa
Diintii islaamkiyo
Dhaqankii diciifyoo
Afkii hooyo duugaw
Dibna looma qaban karo
Labadii isdoortee
Isu doonanaydiyo
Laba deris ahaydiyo
Laba daarad wada tiil
Dahabiyo dhasheedii
Kala dide dadweynii
Makii dulinku soo baxay
Dooxii hargeysiyo
Dusha ceerigaabiyo
Burco daafaheedii
Dacallada nugaaleed
Degmo qudha ayaa tiin
Ummad yahay dantiiniyo
Dirir baa u joogtaan
Dulmigiyo dhibaatada
Haddii ka diirteen
Kana digigixooteen
Xaqaagii la duudsiyey
U dagaalamaysaan
Daaliyo harraadiyo
Diihaal ku nooshiin
Weli daallin baa jira
Rag danaysta baa badan
Dire dire dadweynaha
Habar habar nin doonoo
Sunta daadiyaa nool
Wixii dilay awowgii
Dulcad dhigay asaaggii
Dulmigiyo qabiilada
Rag u daacadaa jira
Haddaan laga digtoonaan
Oo layska dala'sado
Dunqulaalka uu shido
Dibbaa looga sheekayn
Degmadaa ku nooshiin
Haddii daad ku soo jabo
Ma dabaalanaysaan
Daranyadiyo gaajada
Diihaalka caydheed
Wallee kama dawawdaan
Nacabkii ku dooxiyo
Ninkii daarta kaa riday
Duunyadaada kii dhacay
Kama doonataan abid.
|