T a a ko
Gabaygani waxa uu ahaa sannadkii 1983 markii dawladdii
Siyaad barre dabar goynta ku haysey dadka soomaliyeed.
Ayaad mooddaa in uu maanta noolyahay gabaygani taas oo
Aan laga bixin qalalaasaha soomaalidu weligeed ku jirtey.
Taariikhda soomaliyeed taabbo qaad ma lehe
Toddobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba
Tabtii lagu ogaa bay yahiin taniyo waa dheere
Malaa taayirkeedaan is rogin taako dherereede
Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene
Ta'da gabay ninkii garanayaa tiisa wuu odhanne
Tashuush lagu fur maansada markuu tegey raggeediiye
Tuducyadu warkay qaadayeen laysu tebin waaye
Goortii tamuux lagu rogey tororogleeyeen
Tacsi baan u dirayaa murtida taabka loo jaraye
Aniguna tastuurtii naxwaha taabo malahayne
Hayeeshee midhkaa igu tigtigan waan talwinayaaye
Tabaalada adduunyada nin ogi taaha damin waaye
Tiiraanyo waa loo dhintaa taaha urugeede
Tilmaantii wakhtiga jooga baan taabo leeyahaye
Taariikhda soomaaliyeed taabbo qaad ma lehe
Toddobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba
Tabtii lagu ogaa bay yahiin taniyo waa dheere
Malaa taayirkeedaan is rogin taako dhererkeede
Tulaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene
Tashi lama wadaagiyo waxii laysu tari laaye
May kala tasoobeen hadday tamaro leeyiine
Tumaatidu ma joogteen halkii taran innoo yaalle
Anaa kaa tolrooniyo qabiil laguma taameenee
Tuuryada warmaa lama rideen tudhis la'aaneede
Layskuma taftaafeen mindiyo toori xoog badane
Tawaawaca dhallaankiyo haween lagu tookheene
Tukuu kuma casheen marnaba taharahoodiiye
Layskuma tirsheen dhaawacii teedka buuxsamaye
Haddii aan iswada toogannoo lays tixgelin waayo
Tagoogaa isgoynoo wax badan dhiiggu tibiq leeyo
Oo toban jirkii kici lahaa turuq la naafeeyo
Taaj waxa la sudhayaa ninkii toogtay gacalkiiye
Muxuuu taray walaalkii nin dilay toobad seeg noqoye
Taariikhda soomaliyeed taabo qaad malahe
Todobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba
Malaa taayirkeedaan is rogin taako dhererkeede
Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene
Tusmadii dhulkeeniyo halkii tacabka dooneysey
Tuluddii irmaanayd halkay tobanka deeqaysay
Tigaaddii guyaaddiyo halkii talaxa saaraysay
Waataa galookii la tiray qudhici taagnaaye
Tarash laga dhig meeshii lahayd tima fardooliiye
Togaggii biyaysnaa hadday tuushay dhoobaduye
Teneg lagama dhaansado malaa talalaxoodiiye
Maandeeq tasawdoo hadday umal la tiicdaaye
Takartiyo qaniinkii ayay taws la oloshaaye
Tirsiis malaha soomaalidaan toosi leeyahaye
Hadday tamaro leedahay qurbaa lama tubnaadeene
Teennii markaan ololinaa too la raadsadaye
Wax shisheeye laga soo tabcaan tooggo beel noqonne
Tuugsiga carbeed waa kuwaa taagan suuqyada e
Waxay tuban yahiin laamiyada tan iyo laylkiiye
Tafantoofka caydheed hadday toban qadaayaane
Taxtaxaashka suuqyada jidday temeshlo moodeene
Toocsiga ku noolaada waa talo habawdeene
Taariikhda soomaaliyeed taabbo qaad malahe
Todobaatan guuriyo illaa toban awoowaadba
Tabtii lagu ogaa bay yahiin tan iyo waa dheere
Malaa taayirkeedaan is rogin taako dhererkeede
Tusaalaha wakhtiga hooya waa tacab khasaarteene
Tubta nolosha waayaha ninkii teenna garanaaya
Talo lagama dhawriyo wuxuu toosi leeyahaye
Isagoo tabtuu doonayiyo tuna la weydiinin
U taxaabe meel madaw siduu tiray dirkeeniiye
Taliyuhu markuu xidha lyidhaa taabka lagu qaadye
Tudh markii la siiyaa rasaas tiirka loo dhigiye
Tiiqtiiqsi faallada warkiyo taarka lagu sheegye
Tuhun lagu dil keennii yidhaa toosi xaajada e
Immikay waxaan tirinayiyo tuuri waanada e
Tawxiidka nimankaan u dhigay toogta ii qoriye
Oo cali tabtiisii la odhan tawri ma ahayne
Tunkay kaaga dhegi maalintaad tiiri leedahaye
Tafsiir looma dhigo ruux hadduu kaa tallaabsadaye
Toojada ninkii godol yidhaa tuuris baw xigiye
Aniguna midhkaan tabanayaa tiigsimaad malahe
Tukubaa inoo qora illayn tamar ma haysaane.