Qaloonbi
Maxamuud Qaloonbi (HJ)
Ma haysaa Murtidii abwaankii weynaa ee Maxamuud Qaloonbi. Fadlan noo soo tebi wixii aad m,urti ka hayso abwaankan iyo inta kale ee maqanba.
Waxan ahay nin Guna ooy nin goba gacal wadaagaane
Geed-geed ku maran baan ahay iyo lama garaacaane
----
Gabaygan ma garan sababta ka keenta Maxamuud Qaloonbi, waase mid uu ku aflagaadeynayo beelo Reer Sh Isxaaq ah.
Dhalad Ciise Muusay u tahay dhabanna waw kaase
Dhulkeennii ku geli mayso iyo Dhooddi iyo Hawde
Dhami mayso Caanaha haddaan dherigu qiiqayne
Gabayga oo dheeraa waxa Maxamuud Qaloonbi uga jawaabay nin aan magaciisu na soo gaadhin oo Ciise Muuse ah oo ay gabaygiisa ka mid ahaayeen;
Biciide iyo Reer Yoonis iyo Cumarka baalleeya
Nimankaan bilaawayn lahaa iima soo bixine
Bah-Majeelo iyo waa necbahay biirabiiraha'e
Maxamuud oo ka hadlayey gabadh ay niman isku jiidheen waxa gabaygiisii
Haween lacag ma diidaan haddii hoo la lee yahaye
Hadli weydey goortii Rubbiyad Haadh ah loo ridaye
Hadii aan hubkaygii watiyo haadiso amleey ah
Hilbaan dhigi lahaa maalintay igu haweeyeene
|