Xaal
Kayd Maxamed Cabdulle
Iyada oo la ogsoon yahay cilladda ay leedahay qabyaaladdu ayaa hadana waxa jirta in dadka soomaliyeed daafacaad ugu jiraan sidii qolo waliba u ahaan lahayd tan ugu sarraysa. Qof waliba isga oo aan dhaawaceedii weli ka bogsan ayaa hadana hadalhaynteeda iyo ku kaftenkeeda aad mooddaa in uu is leeyahay yaan lagaa badin, markaas aniga oo ka hadlaya arrintaa ayaan gabaygan tiriyey sannadka 2000.
Arrintaan xagaagaan ogaa xeebta kaga guurey
Ee xuufta goortaan ku tegey xaal i qaban waayey
Markaan soo xasuustaba qalbiga xagali daacayso
Arrintii xabsiga kii la dhigay xaawa ku abaaday
Xiniinyaha haddii aan la qaban xabadka loo seexshey
Arrintii xilaa layska dhacay xoogna lagu qaaday
Arrintii ninkii xoolalaa xubin la siinaayey
Ee xaynta kii daaji yidhi laga xabaadhaayey
Arrintii xuquuqdii dadnimo xeerna laga waayey
Arrintii xisaabtii qabriga xayga lagu keenay
Arrintii nimaan xaashi wadan xag u dhaqaaqaynin
Xayiraadda gaadiidku qabo xoog u socon waayey
Xamaamada la badhee dadkii xadhigle boobaayey
Arrintii dagaal lagu xarbiyey laysna xagnaayey
Arrintii kuwii xoogsi tegey carabna xaabaayey
Xilligay yimaddeen raggii maalka laga xoogey
Ee laga xisaabshee mid kale ku xaragoonaayey
Arrintii xumaantii jirtaba xamar la saaraayey
Ee kii xigaalada ahaa loo xilqarinaayey
Arrintii xil saar looga dhigay odayo loo xiiro
Oo xarunta lagu soo sasabo xaabna lagu sooro
Xilligaana taliyee qabiil xiiso jabiwaayey
Arrintii dayuurado xuf yidhi xiinka laga yaabay
Ee xooggu miiggii cuskaday xamar ka soo duulay
Xaraf lagu haleelee dadkii maydku xero beelay
Xawaalada la taagee naflii ciidda lagu xaadhay
Arrintii dhurwaa xidhin ka yimi xoolo deyiwaayey
Ku xareedshey dhaawaca siduu xoodka fadhanaayo
Arrintii ninkii xooglalaa xayle qabanaayey
Ee xaaska sii jooga yidhi xaynka muu qabanne
Xaska jiifsadee waayo badan xulad ku laalaayey
Arrintii xamaan gurashadii xabashi loo daatay
Xansheerkii ilmaa lagu xidhxidhay xididdo naafeeyey
Xaawaley haweeniyo halkii xaaji cararaayey
Ayaa xiiso loo wada hayaa laga xanaaqayne
Haddii aada xisleedoo dadnimo xeerin garanayso
Xadantada ku gaadhiyo darxumo weli xajiimooto
Xusul duubna meel dheer ku timi xiiqna hadal deysey
Xayraan la roorkaad ahayd xiniftankii ooydey
Xaglihii ku daaliyo lugaa xaydha marinaysey
Xummaddii qabiiladu lahayd xuubka sare beeshay
Adigoo xanbaaraday ku jabay xabadku naafoobay
Xamakow ku noolayd beryaa xabagna daaqaysey
Xabbaddii dhacaysiyo dagaal xuufta ledi weydey
Xiddigaa illaa sumal la qalo xag uma daymoonne
Waxaad xuladka naareed u shidi xanyo reer reerka
Ee aad xayaabada bakhtiday xaabo ugu tuuri
Xanbaboor adoon taag lahayn xumo ku doonayso
Xinni aad u leedee nin kale xadhig u qoolayso
La xanshaashaqaysee dadkii xeel la daba joogto
Ee xawlmargeedkaa ku tegey muran la xiiqayso
Xunbo daadinaysee dadkii xoorka ugu saydhin
Xarbi aad ku nooshahay illayn xaydanaad tahaye
Xabiib ruux ku moodiyo ninkii xeelli kula yaalla
Naftu ay xasaradee ku tidhi xaasid qoladiisa
Xalkii nabadda lagu doonayiyo xaradadii diiddo
Xaddi sheeganaysoo awood xuuxi tidho reero
Xundhur baa asaagaa dishoo xaaqday ubadkiiye
Adna xiira aad tidhi hambada xaaqa noloshooda
Xiddigtii daaraa adduun xaalku marayaaye
Anna aan xusuustii wakhtiga xa iyo miin sheego
Xanjo quud dhegaa ugu gufayn xarafna aad diiddo
Xilligii ku soo maray dhibtii xaaddu kici weydo
Xaashaa lillaahiye midnimo xeeri maad odhanne
Ma ogtahay xan iyo qoys la wada xaax ka maad odhane
Xagaagii la joogaba dagaal xaydanaad tahaye
Xoolana ma joogaan dhulkii xaaflufkaa galaye
Xididada dareenkee bakhtiyey xubinta naafowdey
Waa waxaad xishood uga tagteed xoortay sharaftiiye
Ee aad xifaalaha dad kale ugu xumaysaaye
Adduunyada xuduudaa ku yaal xeerka qarameede
Xaydaanka qolo ruuxa degey maba xisaabshaane
Xigto waa kuwaa wada degtaan xaafaddaad tahaye
Xiid maha walaalkaa hadday xuunsho fadhanayso
Adigan xiniinyaa bery xuurtu kaa cuniye
Xar baa galay kuwaan garanayoo waa xolfoof madhane
Maxaan xarafka kaga daalayaa waa xashiish qubane.
|