IDIL
Kayd Maxamed Cabdulle
Ka dib markii ay dalkii hooyo ka dhaceen dhibaatooyinka
Qabiiladu ayaa loo soo qaxay dal qalaad, idil oo ku
Dhalatay shisheeyaha ayaan gabaygan ugu sheegayaa
Sababta iyo haddii ay dhulkii hooyo joogi lahayd waxay ku
Sugnaan lahayd waa sannadkan 2000ka.
Idileey amuur baa dhacdoo aabbo kaa dedane
Arxan malaha soomaalidaa ehel wadaagtaane
Asaaggaa markay wada dhinteen uurka maad geline
Odayada dhashoodii cunaa oodda noo rogaye
Arrinkoodu waa taagan yahay kama ajoodaane
Waa uumanaa xaajadaan kuu alimayaaye
Dayaxaa ilays laga helaa nuurka oogta ahe
Oogada haddii uu ka tago madow ku aafeeye
Xidigaha iftiimaa marbay aragga muujaane
Afdiinlaha markii laysku riday ololka duulaaya
Eebada markay wada ganeen aana kor u yeedhay
Afarqaadka socodkii ku nimi meel awow degine
Ayaxii markay kala tageen aade meel kale e
Uugaabadii gaaladay weli ag joogaane
Ilmihii kacaayiyo kuwaan orodka rooraynin
Alifkii quraankiyo intaan edebta loo sheegin
Abtirsiimadaa kala gurtaa uurka loo dhigiye
Utin buu la korayaa filkaa aarna sugayaay
Abasadu markay nagu dhacdaan eegay meel kale
Amxaariyo hadday kala yihiin irish iyo gaana
Eeshiya kuwii degi jireyiyo belo aguugaysa
Irbaddaynnu kala qaadanaa uruba kii yaalle
Ingiriiskan aan wada degnaa nama ikbaaraane
Albaabada markay noo fureen noo asxaan fale e
Alle ruux yaqaaniyo nikii aayadaha diiday
Eedaanka kii yeedhiyiyo gaalka imanaynin
Asluubtiyo sharciga loo dhigay wada ilaashaane
Awrkaaga raro waa qurbaha aadka uu yahaye
Amuurtii haddaan lagu sallidin aradka soomaali
Ololaha qabiiladu ku dhicin eelka nagu raagay
Ilihii hargeysiyo burciyo awdal madaxeeda
Agagarka laas qoray togdheer idhanka gaaroodi
Afka ceel berdaaliyo toggaa bad u arooraaya
Aburiin agteediyo gadhyogol aagaa faraweyne
Afmadow ishii baydhabiyow webiga awleeya
Miduun baad ku soo ababilayd kuna ekaan layde
Absadu maarkay nagu dacdaan eegay taan degaye
Ma og tahay allaa kuu qadaray oolinkaad timiye
Illimaa haddaad joogi leyd odda cali aadan
Haddaad adhi ku racdiyo haddaad eyro celinayso
Oo aad ardaa seexatoo edeggu kuu muuqdo
Sidaasaa adeerkaa ahaa kuna abuuraaye
Istareex ayaad joogi layd aaya nololeede
Urugaa i qabatoo halkani waa agoonnimo e
Arligii haddaad joogi layd obocda xaabaale
Uubaale baad degi lahayd ila xidh doogweyne
Aqliyo waxaad taagi layd udub dhexaadkiiye
Alool baad ka soo xeeri layd uufta siigada e
Haddii ay abaaruhu dhacaan omos la daaqaayo
Oo oomanaan lagu jiroo roobku iman waayo
Aroorkiyo waxaad raaci layd awrta dhaanka ahe
Abesaley biyaa laga cabbaad aayar dhuri layde
Markuu geelu uugabayee odda jebinaayo
Maqashaad ka soo ururinlayd aarankaa diliye
Irmaantaa laguu reebi laa adhaxda jiilaale
Aagaanta kaa kala go'daad unug samayn layde
Asal baad u soo diiri layd wuu udgoon yahaye
Ubbadiyo waxaad dhawri layd eeri kaa jaba e
Idihii dhalaayiyo haddaad adhi la raacaynin
Iniinyaa ayaad beerilayd soo awaal baxa e
Abaqaalka midhihii baxaad aayar jari layde
Arabikhi kolaad iibsoo aale kala jeexdo
Anfaaciga ma weydeen kolaad iibisaa xadhige
Iskuulkiyo haddaan lagugu darin alif la taagaayo
Itaalkaaga waad gadan lahayd aayadaa jira e
Adeegooyinkaad noqon lahayd waa adoo kale e
Ibtilida dhulkeennii jirtaa axan la feentaaye
Iyagoo afkoodii qalalay oonna socon waayey
Adhaxday ku qaadaan rasaas kuna adkeeyaane
Aakeega ay weheshadaan oofta kala gooye
Alhuumada kuwaa lagu salliday malaha iimaane
Ilxayiigtu way dhimanayaan aayaatiin maleh e
Eedaadka soomaalidiyo urur la'aantooda
Ugaadh bay yihiin meel cid la'a aar ku weeraraye
Ibta qoriga eebada la ganay oohin galabtiiya
Udahooda waa kaa dhurwaa cunay unuunkiiye
Ilbax waxay u haystaan markay ubadka laayaane
Imtixaanka noloshay beryahan la alwanaysaaye
Lama oga ujeedada wakhtiga ururso mooyaane
Ha irkigin adduunyada dhammaan iniba waa cayne
Meeshaan ugbaadiyo lahayn uriyo geed laaca
Abaar lama dugsado meel haddaan ini magoolayne
Abtirsiimo reer hebel markii iniba meel raacday
Naftu orodbay kugu aamintaa kuna itaashaaye
Abris halaqa iyo good intuu oodda miranaayo
Abaan duulahii ciidamada amarka siinaayo
Araaryaale goodiyo maskii aburka saydhaayo
Abees guda ukuli soo baxdiyo uurcadduhu jiifo
Aarkii dabooliyo shabeel ayda miranaayo
Ee uu ugaas talinayee ina ayooy joogto
Indheer garatadii laga tegee adhigu faalloodo
Uf la yidhi aqoontii jirtiyo aragti tii fiican
Illinkay ka booddoo midnimo oohow laga waaye
Arooskaa qabiiladu gashee odayga loo guurshay
Ummushaa la sugayaa waxay eegga dhalilayde
Kol haddii dhulkaagii in yari eber ka siinayso
Aflagaaddo joogta ah dagaal arami reebaayo
Amikaarka ruushkii ka tegey in yar loo dhiibay
Ufadiyo colaaddii madfaca aydin socon waayey
Intay kugu adaadurin lahayd qolo orgooneysey
Amaankaaga joog meeshanaa uunku wada yaalle.
|