Dayax Dhacay
Kayd Maxamed Cabdulle
DAYAX DHACAY
Gabaygan oo aan tiriyey sannadkii 1982 waxa uu ka hadlayaa
sida qabyaaladda ay u adeegsadaan odayaasha iyo dadka maamulka
gacanta ku hayaa. Dhallinyaradu waxaa jirta in aanay ku dhaqmi
jirin in kasta oo aad mooddo maanta in ay is bedeleen.
Duryan maaha maansaduye waa deris aqooneede
Duxda hadalka weeyaan murtida laysu dirayaa
Haddii uu dabkeedii bakhtiyey daaray ololkiiye
Dabiibkeeda Soomali baan doon isleeyahay
Diiwaanka ii dhiib midbaa deelku qorayaaye
Dayax dhacay habeen daaha rogey dunida oo ciirtay
Dabayl curatay duufaan onkoday danab hillaacaaya
Cirkoo dumay Dagaaroo luntoo Dirirku naafoobay
Duqii samada lagu sheegayoo dabarka soo gooyey
Baddoo daacday daadkii fatahay doox innaga yeelay
Oo uu dalooshaday halkii didib la moodaayey
Buuruhu dullaameen markuu daafta sare gaadhay
dadkoo leeday daacuun wax galay duumo soconaysa
Dabadheer abaartii ahayd duunyo may dhaline
Haddii laysu wada doono oo daayin wada keeno
Dulmigiyo qabiilkaa ka daran daacadda Ilaahe
Daybaaq la qooshiyo sidii dacarta weeyaane
Degmadii Hargeysiy illaa Xamar duleedkeeda
Dooxada Sanaag iyo Nugaal Seylac dacalkeeda
durdurkii Shabeelliyo Illaa webiga daantiisa
Dabay kaa wareegiyo midkay diilalyadu hayso
degaan qudha markii ay noqdeen diinna wada yeeshay
Dusha midabka diirkii is yahay daayin wada uumay
Dhallinyaro dareenkii qabiil dooca may geline
dugsiyada kuwaa dhiganayee dani walaalaysay
Dunidiyo waxau baranayaan dawladaa jira
Dayaxiyo waxay eegayaan dawga loo maraye
Daratoole geelii la dhacay maba daneeyaane
Duqaydii gabawdiyo kuwaa dulinka soo gaadhay
Derbigeeda nimanbaa fadhiya daacadda ilaahe
Dagaalkii sokeeyaa markii dumarku ooyaayey
Doobkii kacaayaba markay dooxa soconaysey
Ee duleedka laysugu baxee waranku duulaayey
Waa kii dugaaggii hirqaday danabyadeenii
Dubaaxdooda waa kii dhurwaa daanka buuxsadaye
Damqashada xanuunka leh ninkii dib ula tiicaayey
Dakharada kuwii lagu dhuftay doogtu qabataaye
Dadka uma tilmaamaan markay degelka jiifeen
Iyagaa daliilkeeda dhiga derisyo dhaadheere
Duulaanka kama maaraniyo dawshad aan hadhine
Dabshid waxan u haystaa ninkii dilay walaalkiiye
Ummushuba dabkii lagu shidiyo dihashadii foosha
Dorraatiyo wixii daaliyey dib u illawdaaye
Waa Dir iyo Daarood intaan kala dilaalayno
Amma waa Dirkii reer Isaaq deelka marinayno
Daranyadiyo gaajada marnaba kama dawawdaane
Dambarsada waxii hore ayaa dabada haysaane
Afartaas dareenkii murtida dihashadeedii dheh
Darwiish ina Suldaaniyo Qamaan derajadoodii dheh
Darandoorigii Qaasin iyo darcar macaankeed dheh
Danyartii la sheegiyo naxwaha Deelley gacalkeed dheh
Ducuunuca nin liitiyo abwaan dan iska sheeggood dheh
Durbaannada kuwaa tumanayee daramal ii qaatay
Nin waliba dantiisuu rabaa dawlad haw filine
Iyagaa na kala daadiyoo dayrka noo xidhaye
Daynkay qabaan baa ka badan daaqa xoolaha e
Dahaadhnaye qabiilada markii dooxa lagu aasay
Ayagaa daboolkii ka rogey duhur dharaareede
Dermadeeda gorrtii la dhigay loo diyaafadiye
Derejaaba loo xidhay markii daafta ay timiye
Markii hore waxay degamsanayd daaqa xoolaha e
Duurkiyo waxaa lagu ogaa damasha waaweyne
Darka laga waraabshaa ahaa dooxadaan garane
Daleedii bannaanaa halkay daayin miranaysay
Digadiyo habaaskii ka timi duudda baadiye e
Dufankeedu waa kaa ka uray daarihii Xamar e
Dukaamada ayaa lagu gadaa dahab sidiisiiye
Iyadoo daraasiinahoo daabac lagu taagay
Door waxay ka dheeshaa xafiis daaha loo xidhaye
Duryan maaha maansaduye waa deris aqooneede
Duxda hadalka weeyaan murtida laysu dirayaaye
Haddii uu dabkeedii bakhtiyey daaray ololkiiye
Diiwaanka ii dhiib midbaa deelku qorayaaye
Doonnida shiraaqa la' ninkii diiradda u qaaday
Daxalkii ha maydhaan lahaa dubay jidhkeediiye
Dalaw dheer markii uu ka riday duushay nabaddiiye
Dakhalkeedu waa kaa jaboo digada weeyaane
Maatada dadkuu siday haddii daadku kala qaaday
Haddii ay dalookii arkeen darafka laalaada
Ninkii digay aqoontiisa waa lala dardaarmaaye
Waxa la dayaa xaajaduu doon isleeyahaye
Derbi laguma sheegiyo sidii ruux la doorsadaye
Dabadhilif markii uu ku yidhi duushay nabadiiye
Duuflaalku nimankuu xidhxidhay dayn kamay qabine
Ma daryeelin Soomaliduu diray waxoodiiye
Immikay la dalandoolayaan diifta uu badaye
Dinaanyanta waa lagu yaqaan doofilaha aare
Dawrsiga markii uu ku tegey dawladaha jiitay
Duulkii Carbeed iyo markuu dibadda rooraayey
Ee doollarkii lagu fasaqay deynna laga buuxshay
Dalabkiisu waa kii ahaa deeqda dhuuniga e
Dumarkiyo carruurtaan lahaa duubi loo kariye
Dalaggii bariiskiyo halkaan digir ka eegaayey
Dekedaa waxaa iiga yimi dab iyo baaruude
|