Jibbo
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
Jiiftadan wuxu abwaanku tirshey horraantii 1960kii. Wuxu Jaamac gabayga kaga hadlayaa
Dhawr arrimood oo ay ka mid tahay Jibbadii reer woqooyiga ee ka dhalatay curashadii "Somali Republic".
Ha'da gabayga laga qaado, hawraarta maansada
Nin habeenno soo biirshey, hal-abuur ma keeno'e
Goortuu mid soo heloba, kan kalaa hallaaba'e
Aniguna higgaadiisa, horeba uma doono'e
Halkanaan ka soo qaadi, hadba kaan ka doortee
Afartaasi waa Hoohad, Heego iyo Roob lehe
Waa Caara-hoorkiiye, Hogoshii ma curannine
Weligeyba hadalkayga, ma hawaawi tuuro'e
Berritay ku haasaawi, Hebelluu u jeedaye
Hubsadoo fahmo u yeesha, ad hadhow qiyaastide
Gobanimada soo hoyatey, Halyarbaan ka gaadhaye
Wixii maanta ka horreyey, hana-qaad ma noqonnine
Howard baa inoo sheegtay, haadaa-qabiiliye
Waataynu hoganeyney, goortuu hanjabayaye
Hilibkeenna inu quuto, shan qolaw heshiisaye
Innagoo hallawtiina, Hammi bayna daaraye
Nabsigaan habsaamayne, hurdadii ka toosnaye
Kuwii inna hareereeyey, inyar ku hold-garaynaye
Hafrikada wixii bari ah, Hororkii ka saarraye
Ninna hadiyad kuma keenin, hantina uma sheegane
Qunyar libinta ku heshiiya, Hodankayna siiyaye
Hurinteenna soomaali, Hal yar baan ka gaadhaye
Dhulkan waa la hayn waayey, hogadii Kaliishee
In horseedku socoteeyo, ka haleeli weynaye
Humman bay isaga guurtay, degmadii hayaantee
Nin waliba halkuu joogey, Muqdishuu ka haybshee
Hardaf iyo Lug iyo gaadhi, hilinkaynu boobnaye
Sida haadka duulaaya, Hawadaa la yaacaye
Jeeruu hirkii muuqday, Hakashaynu diidnaye
Kolkaynu Heelka Xamar joogney, Hagrashaynu aragnaye
Hindisii jibbada waalan, waa lagu hantaaqmaye
Reer kuma hunguri beelin, Roobkii hillaacaye
Intuu Harada noo buuxshey, haan lagama dhaansane
Raggii hibada loo dhiibey, iyagaysku haysta'e
Wixii shicibku ku hadlaayey, hoos looma eegine
Haaraha wax noo yeelay, halaskaannu jiidhnaye
Dibjirkii ku hawshooday, waakaa harraadaye
Habka maanta ii muuday, kii hore ma dhaamo'e
Intaan Xabashi hibanaayo, Dalkanaa Hayaay lehe
Hubka debedda laga keenay, mid hagaagsan maaha'e
Inagoo u wada heegan, hadh-galuu na dhaafaye
Dar uunbaa hareertooda, Halla-daadinaayaye
Ninka ceebta hurinaaya, ku hullaabi mayno'e
War yaan laysu hoosaain, Halaqyaa gudaaya'e.
|