Gaabis
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
Jaamac wuxu gabaygan ku sifaynayaa halkankii loo soo galay gobannimada iyo sida nimankii loo doortay inay dalka hagaan ay ugu mashquuleen dano gaar ayaga u ah
ugana gaabsheen masuuliyaddii loo egmadey.
Cir godladey daruur soo guddey oo gabaxda deyn weydey
Geel-dooje, Geydhiyo Qayood gaadhcadde hillaacay
Gu' onkodey gufaaco iyo Mayay, geliba jaad keenye
Anna waxan gabyaa waa markuu rag isku guulaaye
Golahaan ka sare joogsadaa gelin-dhexaadkiiye
Kama Gaaf-wareego'e runtaan ugu guddoonshaaye
Afartaa darbaa guud mara ee gaw ma kada siiyey
Ceel aan go'ayn iyo Badweyn gacan ma soo jeexay
Kii iga geddoomaba mid kale gaatan ma u reebay
Gaawaha Karuurkaan ku shubay ma idin gaadhsiiyey
Gucumaale Aar iyo sidii Galaw-ga maw yeedhay
Guuraha habeenkii, ninkii gudaya maw baaqay
Sidii neef Gammaanoo madh fudud gaalib maw qaaday
Googeysi iigama baxee geydh ma soo celiyey
Geddii Faarax Nuuriyo Salaan, Garashadii Qawdhan
Gammuutiyo sidii Ina Ugaas ma u garraadeeyey
Nimankii ka goor iyo ka goor, gurayey laaluushka
Gaalkii Caddaa maalihii uu geda-gedeynaayey
Giniyaadka nimankii wax badan gacanta loo buuxshey
Kuwii Geeshka wada ciidaniyo gaadhka nagu meershey
Goonida kuwii noo jaray ee Edegga noo goostay
Sidii Geel Dhukaan qaba kuwii godey dhafoorkayga
Gaajada kuwii noogu xidhay guriga coonkiisa
Sidii Ganato nimankii wax badan gorofta noo yeelay
Isagoo gabraar ah buu ka yimi garaca shaydaane
Nimankii Galbeedkaa shishiyo Yurub ka soo Gaasay
Nimankii innoo soo gudbee layska garan waayey
Goonbiyadda nimankii sitiyo gudinta xiiraysa
Nimankii Gol-daaqa iga dhigay amase gaadiidka
Sidii Awro Geediya kuwii Gibilka ii saaray
Garyaqaannadeennii kuwii geliyey meel oodan
Gashi layga qaatiyo kuwaan godob ka yaabaynin
Garba-duub kuwii noo xidhee weliba sii giijey
Nimankii Gumeysiga anaan geyin i yeelsiiyey
Nimankii gardaafada badnaa Guulle naga saarye
Gallad Eebbe weeyee ragbaa noo gadaal kacaye
Waxa noo guntadey wiilashii ganay libaaxiiye
Gungumii ka dhoof reerahay gawda ku hayeene
Inkastoy Gidaar adag dhigeen gooye shicibkiiye
Guuraha habeenkii kolkaan gama' diidaayey
Gudguduudka waabberi markaan Galawga dhiilleeyey
Sidii Geesi hiir qaba kolkaan Gamasyaduu qaatay
Guntigaan maroorsaday dhexdaan gaw iskaga siiyey
Dar uunbaa is gaashaariyee gololadaan muujey
Ruuxaan Gunaanadey naftaan go'itinkuu daayey
Gildhigaanka iyo Saanaddaan uga gabboon waayey
Gobannimo ku dirir baan ahaa geeri ka hortoow'e
Xiddigtaa shan-geesta ah intaan gaasha kaga yeelay
Calankaan gig tiray kii kalaan gaday bidhaantiisa
Gabladiyo cayaartaan is rogey Gaalibkiyo heesta
Goolkaan Wal-Qalay sooryadaan gacalka deeqsiiyey
Gofnerkiyo Kornayllada markii gogosha loo duubay
Mid kastoo garoomo leh markaan Galab-Carrawsiiyey
Gurigaan ka saaroba markaan geliyey Soomaali
Nimankaan guddoonshaha ka dhigay ima gargaaraane
Iminkaan guhaatan isu dilay gocashadoodiiye
Baarlamanka guurraynayoow laydin garan waaye
Goortaad Ganuunkii dhanteen gama'de shaaleeye
Nin waliba garoonbuu dhistuu gaadhi iibsadaye
Gal kastoo Dad-liqa maalinbaad goror ka weydaaye
Go'a lacagta lagu qaadayaa waydin soo gabiye
Idinkaan geyaankii hablaha gabadh ka waayaynin
Waxad Rooma uga guursateen waa garaad xumo'e
Gaajaa dadkiinii qabaa labada geesood'e
Waakaa Gidaarada fadhiya goloslahoodiiye
Ganbo kuma qadeeyaan markaad Gini shidaysaane
Galabtaan dhegeystaba warkaad geliso radio-ga
Iyo webiga soo guuxayeen cidina gaadhaynin
Ma gurguurashaa wax u waddaan gaabiyaa camalku
|