Ba Xamiido
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
Gabaygan oo uu abwaanku tirshey horraantii 1960kii wuxu tilmaamayaa khiyaamada iyo
Daacadxumada ay markaaba wadeen beelo soomaaliyeed oo qarannimada soomaliyeed ka door biday qabiil wax ku doon.
Gacmadheere oo ka mid ahaa raggii u horreeyey ee khiyaamadaa arkay wuxu sifaynayaa shirar qarsoodi ah oo Beesha Hartiga la yiraahdaa ku qabteen dhawr goobood oo bariga dalka ka mid ah. Sababahan iyo kuwo la mid ah ayaa sababay burburkii Soomalia waayo dadku isku dareen iyo aragti ma ahayn taasoo si toos ah u soo if baxday markii Waraabihii Garbahaarrey iyo Kooxdiisii qabyaaladda ku qadhaaban jirtey soo dalku gacanta u galay.
Qormo laysugu yeedhay
Shir ay qaafilo joogto
Anoo Qawl ku dhawaaqoo
Dibnahaa kala qaaday
inkastuu mur la qooshiyo
Ka qadhaadh yahay seef
Runtaan soo qaddimaaye
Hadhow waan qabsan waayey
Qalbi baanan lahayniyo
Qosol yuu kugu seegin
Qorsheeyoo iska dhaafay
Nebigii qumanaaye
makhluuqaadka qarsooniyo
Quruumaa ifka jooga
Qabnadiisa adduunka
Qadadawga bisleeyee
Wixii uu u qiyaasay
Qunyar xuutada siiyey
Ay Qamdariiran ka yeeshoo
Iyadoo la qamiirayoo
Quwideeda la yaabay
Mid kaloo Qaro weyni
Qusurkii kaga booddee
Qudheediiba dig siisay
Taasi waa qiso yaab leh
Haddaase qoon la masaali
Qarnigeenan ka beermoo
Dad qarkaa kala joogoon
Qareenbaysku lahaynoo
Isba qaadi karaynin
Intii lays qabadsiiyey
Qalin dheer iyo Buug
Qaraar loogu sameeyoo
Sidii beelo qaxaaya
Qol-qol laysugu keenoo
Hadday qayliyo buuqiyo
Qabaabiir iyo beeniyo
Qaxar soo kordhiyeen
Taasina waa qiso yaab leh
Waa Qawaas iyo Quus
Waa siyaasad qarsoon
Waa qiyaano asluub leh
Oo ninkii qaayin noqdaaba
Ku qadhaabsan karaa
Qorsheeyoo iska dhaafay.
Dadku Qaaddi islaama
Qoqob jiidhka aqooniyo
Qalin-Duurre wadaadahoo
Kolba qoor ka wareegoo
Qardhaasaa ku Dagaystoo
Waa sidii qoladiiye
Hadba qiil jaban sheegiyo
Nin qumaati u jeedoo
Qawl hagaagsan yidhaahda
Nin Qallooc metelaayoo
Qaladkiisu u muuqdo
Qaafilaan wax ogeynoo
Geesna qoobka ku hayn
Nin ay qiiradu jiidhoo
Qafiifoo iska waashay
Taajiruu Qol u buuxoo
Qusaartiisa cunaaya
Dibjir dhawr qatanaayoo
Qudhacdaa dixda jiifoo
Markuu quud kale waayey
Qabcadiisa ku nool
Nimankaa qarfa joogee
Qoranaaya Hangoolkeen
Qayladaasba ogeyn
Intaasoo kala qoonoo
Qubanaysu dhexyaalaa
Qaarba qaar la hayaaye
Qaadirkii na abuurtayoow
Qilaafkaa naga saaroo
Qabuul toosan na sii
Qorsheeyoo iska dhaafaye
Nin garoommo dhan qaytoo
Daar qiyaaska kun fuudh'a
Qandaraas ku bineeyoo
Qotonshey oo ku dhaqaaqoo
Gidaarkii qabyo beeloo
Qafiskii dusha saaroo
Qurxiyoo Sibidheeyoo
Qafiloo Handaraabay
Taasi waa qiso yaablehe
Hadduu Qayd yar ku daaho
Ma qarsoomi kartaa
Qorsheeyoo iska dhaafaye
Shirka Qawlo Taleexiyo
Meesha Qaw la yidhaahdiyo
Qandaloo la gudbooniyo
Qammaadkii Buruceediyo
Qoorki Cawda lahaa iyo
Qarfaa hawd iyo aydiyo
Qardho laysaga keenee
Bixin loo qabanaayee
Reer uun qaas u samaystee
Qalad loo ogolayne
Qoladii ka dhignaydna
laga qayb gelin waayaye
Qaddarkaa ku dhammaaday
Taasina waa qiso yaab leh
Haddaan qoodhya-xereeyo
Sow qabyaalad cad maaha
Qorsheeyoo iska dhaafaye
Intay soo qarribaanoo
Dunidoo dhan qaldaanbay
Misna kuu qoslayaanoo
Qabar seexinayaane
Hadba qiil badanaa
Qaadhanaa Ba Xamiido.
|