Gabayo Googoos ah
Faarax Laanjeer "HJ" (1910-1972)
Gabayo goo-goos ah. (Fadlan ii soo tebi haddaad hayso maansadii abwaankii weynaa ee Faarax Laanjer).
1. Gabaygan wuxu ka tirshay abwaanku doorashooyinkii lixdankii oo uu rag Buuhoodle ugu hanjabayey .
Lebigii jirde leh Ula booci?? loodin kari waaye
Libin Samada taal yaa fariid ladani qaataaye
Laan-dheere Nuux ah yaa kursiga leader ku ahaaye
Ha lug-go'in Dhurwaayoow, Libaax kuuma laylyamo'e
2.Gabaygan labada Beyd naga soo gaadhay wuxu u tirshey wiil malaha ku eedeeyey inuu Geel-Qaad yahay. Wuxu wiilka ogeysiinayaa inaanu waxba ogeyn wiilku oo uu habeenkaas geeloodu u qorshaysanaa.
Caruur dheregtey waayeel ma oga caataduu qabo'e
Waxa cidhifka loo taagan yahay kaa Canjiidda lehe
3. Gabaygan wuxu u tirshey nin Madi ahaa oo loo Boqray inuu beeshiisa hoggaamiyo. Ninkaas oo uu ku tilmaamayey inuu saldanadii ka horqaaday niman rag iyo maalba ka badnaa oo meesha ayagu isla rabay.
Timcad jilicsan buu Dhurwaa taw ka soo odhanne
Ma tixgeliyo geesigu Fulaha tahara-waaweyne
Toddobaatankii Ba' Ijo oo taagan garabkayga
Haddiii uu Taygaskii keli ahaa Taajki ka hor qaaday
Ninkii tab iyo xeel garanayoow tiro ha xaalayne
|