Digniin
Salaan Max'd Xirsi (Carrabey), "HJ"
Gabaygan wuxu la socdey geeraarka dheer ee Sallan Carrabey ku kala hagoogtey Faarax Cabdulle(HJ) oo inta is maan-dhaafeeen damcay inay is cidhib jaraan. Gabaygan wuxu Salaan soo qaadanayaa beelo isku caw beelay oo ku cibro qaadasho mudan.
Digniin: Gabayga waxan ka qoray cajalad tayadeedu liidato oo meelo badan baa khaldan Sixiddiisana akhristayaasha sharafta leh baan ka sugayaa.
Gabayga wuxu Salaan (Rahimahu Laah) ku halqabsanayaa Baashe Shabeelle oo yidhi "Salaanoow maad nimankan wax kala tidhaahdid".
Baashoow dudaa gabay ma jiro nin igu doorshaaye
Kolbaan diririyaa sida cirkoo di'i kaliishiiye
Meeshay daroorrin u tahaan doob ka dhaliyaaye
Dabuubtaan la yeedhana ragbaa doorsha abidkiiye
Waa daabac aan go'in midkaan doca bilaabaaye
Hadba xarafka igu soo degaan demin wareerkiiye
Dux markaan ka garan waayey baan daayeyoo dhigaye
Xaluunbaan dikriyey sida wadaad Diin u haajiraye
Daad-xoorta iyo Mawjaddaan kala dabbaalaayo
Dacartaan qalbigu hayn karayn daartay feedhaha'e
Waa daafa-yare kii horee an idin deeqsiiyo
Dibna waxan u idhi maanso waa duciyo hawraare
Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne
Reer Faaraxaa kala dunmee kala duddeynaaya
An u digo Ducaale iyo Seed ha igu diideene
Dalaalkuu laqwiyey reer Shirdoon Dalabsigii eedye
Dareenkuu Warsame moodayiyo dihashadii waaye
Dab siduu qabsaday reerihii dagida loo laayey
Nin Doorrada lumay iyo ooriyaa dulugle ooyaaya?
Wax Ibraahin daalibahayaa col iyo duullaane
Bah-Gudabiirsi dannab baa ku dhacay digashadi Faafe
Reer Geeddigii debedda maray daadi amarkiiye
Sidii Ina Dagaal loo khatalay idinka diimoone
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga daaha laga saarye
Dalanboobigii Dhamal wixii damac la'aa raacye
Dagaal Reer Axmeda wiilashii Carabta diiqaayey
Xasan dabaye?Reer Jaamacaa kala dabayl raacay
Shir la dedey dabbaaldeg iyo Naash dawashada geedka
Deelqaaf fagaaruu ibleys kugu dukhuulaaye
Dibno hadal ka yimi baa raggaa loogu daw galaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Reer Sugulle dakhar wiilyar baw sidey daliishiiye
Waatii degmada laysu furay dabadi Looyaade
Denbi hadduu kasbaday Eebbeheen daayinaa jirae
Dullaamkii Qabriga hawga tudho dabaqi naareede
Dummaddii Xirsuu saaran yahay Dubur raggii yiile
Dawlaabadii boqor hadduu damacsanaa waaye
Duudsuu ku dhacay ina Ammaan dar u heshiintiiye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Reer Cali-Geraysugu darraa dil iyo qoomaale
Durba waranka waysugu dhaqsaday dooxanaa madhane
Waa dawri buuhoodlahay dir u lahaayeene
Waayadanba dabataa fadhidey daallinoo colahe
Ku dibsade Daboolan iyo Gegan danabbadii yiille
Dekenadii qabaalkana ninkii duriyey qoondeeye?
Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh dalabsigii eedye
Danbarkeeda dhaxal xaajaduu doortay Reer Gorode
Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Ararsame dulmaa kala qabsaday dirirti Caymeede
Daaroodba maqal xaajadii daahirka ahayde
Dadku hadduu ka nixi reer Wacays dalaflihii raacye?
Ma degdego nin Dirirtii ogaa dooxadii Garab'e
Derisbaa ku dhacay reerihii dawladda ahaaye
Duunkeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye
Goortuu cilmiga daahirshuu Fiqi duceeyaaye
Diintana wadaad kuma aflaxo xaqa ka doodaaye
Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha'e
Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane
Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Dayax soo iftiimiyo qoftaad dahabka moodeysey
Wax Dallaayad laysugu mergedey darabki saarraye
Jeeroo dabriyo lays cuskaday doori iyo weerar
Cali Duullaneba diid xaajadaan dawga ku ahayne
Daaqiyatal-Mawdkii dhadhami uu durraansadaye
Daahdaaha waabberi colkii la is dabbaalsiiyey
BihiDarays ma deyn reer jibriil digasha-loolkiye
Ninna Faarax kama daawo gelin caynki loo dilaye
Dugaagbaa calfaday reerihii daribta weynaaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha
Duska bari Dubeerin iyo Karin lagu dubaaqawye
Rag dalleensey Nuux Maxamedkii inagu deyraaye
Daaraha la ridey Soolamadow dumarka ooyaaya
Dubayeeyda naagaha, hablaha debedda meeraaya
Sow kama diqootaan ilmada dibiqle guudkiinna
Haddaanse deyey dayaca reer Barraw darane?
Col dareeray duukiyo lalabe dayr kastaba joogta
Dannadayska Muusihi badnaa duraha jiilaalka
Daleelii Wareeg baa la dhigay duca-qabeenkiiye
Dalkii waxa qabsaday Reer Warsame dixida weynaaye
iminkay dermada soo fureen Daranti Tiigeede
Ragba mudanihiisaw derbiya da' iyo Gaashaane
....
Dudda reero loo furay haddii degel la waaheelo
Duleedkaa mus laga joojiyaa dibadda dhawreede?
Meeshii daleel ah buu libaax dagi ka eegtaaye
Anuunbaa dibbiro-ciil qaboo dudaya waa noole
Damqanmaayo reer Faaraxaan ducuminaayaaye
War yaan idin dirdirin waano aan dunida aafeynin?
Colkan habar Jeclada loola dudi?Duulkalaw furane
Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya
|