Power
Faarax Laanjeer "HJ", (1910-1972)
Gabaygan waxa uu u marshey abwaanku nin ay isku jiidheen Hargeisa isagoo jooga xilli aan ku qiyaasnay 1950-meeyadii. (Gabaygu ma dhamma)
Belaayuu saxeexaa Benderi bog isku laabaaye
Bakooradaha qoolaaban iyo baaraxaa hodaye
Waxa laygu baaqbaaqayaa beelo nabadeede
Goortaan bashalaq dhiig arkiyo boogto iyo weerar
Baacaan saruu bixi jiraan power leeyahaye
Birta sulubku biixida lafaha waa burburisaaye
Billad geesidii baan sitaa Bari raggii yiile
Bad Xawaaladaa Dooni iyo beder ka dhoofaaye
Biirooyadaa lagu maraa baaxadsooraha'e
Bunji iyo Shiraaq Mawjadaha booda ma xejaane
Berrigay tubnaayeen intii Baxarku qooqnaaye
|