Geela(s)
Cumar Xuseen "Australi"
Gabaygan Cumar Austeliye (Ilaahay ha u naxariistee) isagaa oo cadan gaadhay ayuu walaalkii Cabdilaahi Cawl u yeedhay oo uu ku yidhi geel ayaan inoo iibinayaa. Cumarna waxa la sheegay in uu geela u jeclaa si yaable ama si qayra caadi ah oo wax uu Geelu ula siman yahay aanay adduunyada jirin. Markii uu Cumar ka soo noqday Cadan ayuu Cabdilaahi ku yidhi"Geela inaga daayo walaal aynu gaadhi iibsano". Cumar oo aan gaadhi iyo diyaarad midna doonayn ayaa tixdan soo socota halkaa ka tiriyay.
Sabanadanba waa taan ka tagay sa iyo wowgii
Waa taan ka saahiday tan iyo sabanki dayreed
Xalay uun baa saqdii dhexe hurdada siidhi lay tumay
Sifaheeda maqal waa tixdaan saxayay waayahan
Adduunyadu ninbay saacida saa'irtaa bari
Sanado iyo gu'yaal dhawra bay sare u qaadaa
Sinti adag haddaanu ka dhaqan siinad iyo xoolo
Markaasay sidii la arki jiray sibiq ku dhaaftaa
Salaantiyo bariidadan cadmeed soorta iyo qaadka
Sanduuqyada camirin aaladaa kuu sudhsudhan bayjka
Sariiraha furshaantiyo cudbiga laysu kaa saaray
Sidaa aabaheen kuma anu dhaqan siica iyo laan
Somali aradkeedu waa siigo iyo qiiq
Salka kama fadhiyo nimaan dhamayn suluxii heemaar
Ana waan sahraday waxaan miyiga siinad ku lahayn
Ku saranseeray roobkoo ku simay sud iyo gaaroodi
Saqda dhexe haddii lagu lalabu socotadii geedi
Koromada sagaal jiray haddii keeno lagu saydho
Aqalada sintoodii haddii sibirta loo laabo
Qarqarsiga haddii lagu sakibo sayn caddaha dhaartay
Heeryada haddii lagu sawiro suunka iyo bayda
Samay markaad tidhaahduu adhxaha sare u qaadaa
Waa wuxuu Ilaahay sandahay si aad u eegtaaba
Sideed loola iyo tiirki iyo saamihii adari
surradii ubada teesan iyo saabka iyo haanta
Intaasa la wada saarayaa saa'id weheshaa
Siqiirkii dhalaankana guray uga sameeyaan
Goortii suryada loo furuu sare u boodaa
Salinkiyo waxa lagu caawiyaa suuradaha adag
Meeshiyo salaada iyo hadhka ayuu socod u jeedaa
Dadka oo surmiyay bay furaan sool abaar badan
oo waliba seetada xigga ah lay su saaraa
Adduun lama sinoo geelu waa siinad gooniya
Rag sardamay sokeeye is dilay oo sabada mayd yaalo
Sooyaanka xaajada haddii odayo loo saaro
Sargad dheer haddii lala dhex galo seenyo xeradeeda
Sidka dhalay marcurad suura iyo sagal_madow qaalin
Sideed awrka lagu dhaamiyee sagal baruuroobay
Sodon na haysku dhimatee haddii ugub la soo saaro
Sulux iyo ammaan baa gacmaha laysu saaraa
Seedi iyo abti iyo walaal iyo nin iyo saaxiibki
Kol haddaan raggii kala suntaday wax iska siinaynin
Suuq joog magaaliyo dilaal sogobti mooyaane
Si kaloon ku taaba ma jiro suluxi heemaal
|