Geela(a)
Cumar Xuseen "Australi"
Gabyagan kale ee Cumar Xuseen Austeeliye uu isna ku ammaanaayo GEELA wuxuu tiriyay mar nin adeer u ahaa oo la odhan jiray Alla ha u naxariiste Cisman Cawaale oo lo' ku haystay tuulaha Xaraf ee Magaaladda Hargeysa agteeda ku yaala. In kasta oo aanu Cismaan gabay ku caayin geela, hase yeeshee, afkuun ayuu ka caayay geela. Cumar Ilaahay ha u naxariiste, isaga oo caydaa diidin geela ayuu gabaygan tiriyay.
Odhaah gabay Cismaanow markaan u ololaynaayo
Ardaygiyo sidii macalinkoo loo akhriyay diinka
Ama araayihii INA JADEER waw u asdayn jiraye
Aan idhaahdo maantana tixdaan ku intifaalooday
Meeshiyo awawyadii horiyo Aadan iyo Xaawa
Arligeena xoolahani way ka isiraayeen
Adduun lama sinoo geel horaa laysu aaminay
Waa waxay abaarta u dhaqdeen odayadeeni
Awaare iyo Sigodan reerahoo iniq la waydaarshay
Waa waxay sidii ila biyo leh ka ag cabaayeen
Nin ikhyaar ah oo goba haddii ina'n la waydiisto
Inkastuu adduun badan huruu adhi iyo mood dhiibo
Kol haddaan Ugaaseey la bixin uur colow yimid
Waxa aqalka wayn lagu dhisaa ugubka qaalmood
Ajal dhimatay ooy laba qabiil eedi kala gaadhay
Ayaan iyo ayaan xaajadoo laysku uugaabay
Afyaraha hadday soo gurtaan nimankii aaraayay
Ikhyaar iyo cuqaal loo diriyo odayo loo soocay
Wax aqoonsi xaajadu hadday aad isugu raagto
Boqol awrku dheeryahay haddii ooda laga qaado
Markaasaa ninkii iilka tagay lagu ilaawaa
Adduunyada wax nooloon la simo ku arkimaysaan
Jilaal awaare le dhulkoo omosku duulaayo
Afmeerkiyo dhudcaha taagan buu ubax u doontaa
Ugaadhu rafiiq kula noqdaa ayga qaraduug
Maba oga abaartiyo waxaa aadmiyaha dhibay
Abeerkiisa dhalay oo hadhuub ibaha loo saaray
Afartiisa naas xiin iyo uumiga iyo xoorka
Kola waxaan aduun kala lahayn amar u dhiiqa
Haddii oofo weynow ratiga ayro lagu qoojo
Aamin khayfka galabtii hadduu aaran soo didiyo
Usha mar iyo laba goor haddaad yara ogaysiiso
Ummalkuu u qabay doob hadduu aw_aw _dha kaga siiyo
Indha laliska miciduu sidii aar u radinaayo
Kola waxaan aduun kale lahayn aabi socdkaa
Haddii aanu asiilada ahayn oogo lagu joogo
Ilaahay quraankiyo cilmiga kuma ammaaneen
Ilal Ibili kuma soo rogeen aayadaha sare
Asalkiisa dhagaxii janadda kama abuureen
Nin aqoon yar mooye rag wow u orotamaayaa
Adhi iyo nimaan geel ku dhaqani oogo dagi waa
Arkiba maysid gaaroodigii iyo idhanki laan dheer
Afmeerka iyo ambada foolasha iyo oodankiyo dayrka
Ardaala iyo liibaax qawdhama iyo ururtii xoor boodhle
Kiiyoo arsaaqadii gugii Eebbe kugu siiyay
Ilmaadeeraddii kulama shiro aradki tuureed
Ishan malawle iyo garabis bay lo'i ag joogtaa
Mar haddaanu uubaale socon aayatiin ma leh
Afka intay ku haysaa biyaha uumi marayaa
Ayaanti gashaba waxay kartaa in ay aroortaa
Alla igu og oo saca ninkii aamina dagan
Kaa eriday qoys iyo kuwii aano kuu xigay
Ku ilowday xaajiyo tolkaa aragtidiisii
Ogolaatay tuuliyo dhulaan aabaha dagin
Ubadkii walaalkaa ka tagay kuu agoon noqoy
Subagaad ubadda sheegatiyo eeriyada buuxa
Igadhkaad gondaalka u dhigteed ku ag wareegayso
Ninba waxa adawgii diluu ka ololaystaa
Ibtila ku dheehane rag uu kula arkaayaa
Arrinshee Cismaanow haddaad iga ajiibayso
Addeerow ma gadataa qotay iib ku leedahaye
|