Waa duni la kala iibsadaan nala ogeysiine
Maxamed Cabdille Cali "Gammuute"
gabaygan kooban wuxu ka mid yahay murtida naga soo gaadhey abwaankii weynaa ee Gammuute oo noolaa baara 1880-1940.
Uugaabo gabay waanigaan ururin waayaaye
Asaraar siduu uga dhacay ee la isku eedoobey
Ee nin iyo eray loo helee loogu alalaasay
il ma saarin maansada haddaa igu ogeydeene
Ammin gaaban weeyee intaan uunku kala seexan
Afar baan idiin tirinayaa iga akhbaar dhawra
Mar haddaan awaashiisa galo waw arkayn jiraye
Maw ololey sida Ayri-Dhaban ay ku kala jiitay
Ma alwaday sidii Aar ka ciyey Alabla' guudkeeda
Ma addimay sidii macallinkoo uunka kicinaaya
Wadaadkii asaayaha dhigee ulayey duullaanka
Nin weyn baan ahaa maalintuu galay Ogaadeene
illin Geela baan raaci jirey qaarna awr yahaye
Ninkaygaa arkaysaan waxaan anigu soo joogey
Arbayaal gaboobiyo waxaan odayo ii sheegin
Afar wiil hal loo soo lisay ooy in iska reebeene
Maantana Abeerkii dhalaan inan yar deeqayne
Ibtiloobe Qaalmihii ratiga loo unuun jaraye
Waa duni arsaaqday lahayd la arfacaayaaye
Waa duni la kala iibsadaan nala ogeysiinne
Waa duni ilmaadeerradii kala irdhoobeene
Waa duni raggii aad ahaa aakhiraw kacaye
Waa duni Amleey iyo la dhigay olole maadhiine
Waa duni amaahdii Dorraad la inkiraayaaye
Waa duni hablii ugub dhisteen aqallo shaydaanne
Waa duni Ibleys iyo Fircoon ubad ku yeesheene
Waa duni rag iyo ooryihii kala ordaayaane
ulna laga dhig hadalkiina waa lagala oolaaye
Adduunkiina waa looga tegey agagas mooyaane
Intaan aqalkan Qaaddiga la baran waynu ka adkayne
Hadii laba qoloo amarsanaa eedi kala gaadho
Anafo iyo haddi laysku dilo Idil karuurkeeda
Asuusheennu waatii ahayd odayadaw geeye
iminkana irdaa gaaladay kula ordaayaane
Afarta Koodhka iyo Saajinkiyo Eyga daba jooga
Sida ay-Guluub? gaaladoo qolo abbaaraysa
Ama ururka weyn iyo Xajkoo iidda lagu baaqay
Eldhi-Roomka? waatii dorraad laga aguugnaaye
Hadba kii adduun badan baxshaa loo il-jebiyaaye
Waa duni arkaantiyo sharciga laga ordaayaaye
Iimaanka inuu Eebbahay inna aqoonsiiyo
Aynaan Amxaariyo ku dhiman Ehelu-Naar miidhan
Faataxada soo wada akhriya waa amuur culus'e
|