Fly duula sidiisa
Salaan Maxamed Xirsi "Salaan Carrabey"
Salaan Carrabey oo ahaa Inan-La-Yaal ayaa loo tirshey afarreydan soo socota. Gabayga ciddii tirisay way is caddayn weydey ayadoo Ismaaciil Mire, Cabbaase, iyo Cali Dhuux marba mid lagu sheegay inuu tirshey. Gabayga oo loo badiyo Ismail Mire iyo Cabbaase waa mid anshax-xun oo ninkii inan-la-yaalka ahaa ee qee gabadha ka qabay ayay meelo aan rag laga tilmaamin ka sifeeyeen. Ayagoo Caatonimo ku caayaya Salaan waxay yidhaahdeen.
Haddii Kabadhe khayr leeyihiyo kadab la iidaamo
Ama lagu Kashbaco oo Qaxwuhu badhida kiilaayo
Kaadsada Salaan baan futadu kaxankaxawdeene
Markii gabaygii la qiran weydey Salaan wuxu go'aansaday inaanu gabyine uu tirsho geeraarkan kooban ee uu ku bilaabay.
Haddii Daaral-Fardawska
Faakhiriinta nimcoon
Janno laygu furaayoon
Fee Geeraar ku helaayo
Kani wayska Faqiire
Dhaaxaan mid fagaaya
Fagaaraa ku wanaagsan
Falkiyoo ka dhaqaaqay
fufunnaaga i caayey
Ismaaciil Futo sheeg
Iyo ma facaysto Cabbaas
Oo Filkaygaanay ahaynoo
Fa'iidaan iiga kordheyne
Fulihii Cali Dhuuxeen
Fagaaraa imanaynine
Siduu faal u rogaayey
Hadba qoon faqinaayey
Baa Fekerkeygu jiraaye
Sida fooraha roobkoo
Farrax meelleh ku hooroo
Fidhadii ka danbeysey
Faddaaddeeyey dhulkiibaan
Ku fuuqfuuqsan lahaayoon
Fidhfidhkaa la arkeen
Nin kastoo furmo qaatana
intaan foodda qabtaabaan
Fanjallays u dilaa
Rag ninkaan faro saarana
Fakalloon cabsiyeed iyo
Wadnuu fawda ma daayo
Inkastood is fiddeeysoo
Fly duula sidiissa
Fattac booddo tidhaahdoo
Cirkaa fooqa sareetiyo
Fiiqa iiga jawaabo
Dhulkuunbaan fadhiyaayoo
Iga foori ma doontid
Ee Fadligii habartay iyo
Furaashkii Cawo Dhoobliyo
Gobta Faarax Garaadiyo
Dhulbaan fiirinayaayoo
Kaaga fool-gabxayaa
|