Silsilad
Salaan Maxamed Xirsi " Salaan Carrabey", HJ
Salaan Carrabey Eebbe naxariistii Janno ha ka waraabiyee ayaa la xididay Dhulbahante.
Sheekadan dhawr siyood baa loo sheegaa siday ku bilaabantay balse waxan idiin soo gudbinaynaa sida loo badan yahay.
Waxa la weriyey in Salaan oo arooskii ku jira ay martiyi u soo hoyatey. Martidii oo sida la sheego Salaan qoyskiisa ahayd wuxuu dareemay inaan si fiican loo Marti soorin. Salaan wuxu rajaynayey in maadaama xoolihiisii la meersaday oo waxna Yarad loo qaatay waxna gabbaati, in martiga loo Loogo.
Salaan wuxu marshey tix ay naga soo gaadhey.
Naagyahay hannaan xiditinnimo waa hantiyo soorre
Laba la hinjiyaba waa hunguri kii horreyn jiraye
Aqalkaan hilbiyo soori ool haqab la' oo buuxa
Aan Haanta caanuhu ku jirin halab karuurkeedu
guur uma hagaagine waxbaa loo hadoodilaye
Gabaygaas waxa ka jawaabay nin oosha uu Salaan ka guursaday ah oo la odhan jirey Ducaale Dheere, isagoo yidhi.
Siddeeddii cishaba waa intii sahanku laalnaaye
Waa soo sidnaa Xeedhyihii Saabka loo tolaye
Iidoor sal fududaa wuxuu sugayo muu dhawro.
Markii intaasi dhacday ayaa Dhooble oo ahaa Salaan Soddoggii uu ku xila furay inaan Salaan gabyi karin oo arrinka halkaa lagu qaboojiyo. Salaan waa qaadi kariwaayey Dhaarta iyo xilafurka ka dhacay Soddoggii oo waa iska aamusay.
Cismaan Aadan Dibi oo "Dhulqas" iyo "Gun iyo baar eeg" labada magacba loo yaqaan ayaa gabaygaas ka jawaabay. Waxay ahayd xilli abaar xumi ku habsatay habar Jeclo. nin Cali Dhuux marna Ismaaciil Mire lagu sheego ayaa soo dul maray ooshii Cismaan Aadan. Cismaan oo is yidhi malaha in loo gabyo ka baqay baa tirshey gabaygan soo socda oo Jawaab u noqday gabaygii Ducaale Dheere. Wuxu yidhi Cismaan Aadan
Aqallada Dixaha laga dhiseed dabato moodeyso
Danbaa meesha keentee xarrago looma soo degine
Daarood siduu beri ahaa loo dad-qalatowye.
Shan iyo toban sano ka dib ayaa waxa dhacday abaarta xun oo xoolo ku dhammaadeen. Salaan baa maqlay islaantiisii Cawo Dhooble oo dagaalaysa wiilashiisii markaasuu gabay tirshey. Gabayga wuxu Salaan ku tibaaxayey rag badan oo sabool ah oo cid walba leh oo markii caruurtoodii u kacday ay u shaqaysa oo dhiishii fakhriga tuurtay. Gabaygaas ayuu soo geliyey ninkii eraygu kala gaadhay ee Ducaale dheere. Wuxu yidhi Salaan Carrabey;
Wax Ducaale dhacantuu barkaday dhiil nabsaa tolane
Qumbuhuu ka dheewadey ilaah dhoobti uga qaadye
Nin wax dhalay maruunbuu dhergaa wiilasha ha dhiifin
Dhaaxuu asburay faarax Daad dhawr intuu qadaye
Waa kaas Sanduuqyada dhex galay dhoof ka soo degaye
Nin wax dhalay maruunbuu dhergaa wiilasha ha dhiifin
Dhibaatuu u qabay reer Warsame dhogor-yarow geele
Dhanka bidixda waa kaa ku dhigay summaddi dheerayde
Waa kaa dhidbaday baarqabkii dhumucda weynaaye
Nin wax dhalay maruunbuu dhergaa wiilasha ha dhiifin
Ducaale Dheere markuu gabaygii maqlay wuxuu u qaatay in Salaan weli ereygii uu yidhi daba joogo. Waxa kale oo uusan Ducaale jeclaysan in la soo xasusiyey saboolnimadiisii. Ducaale wuxu ahaa nin Sabool ah laakiin Markii geelii HAGOOGANE laga maroorsaday Daraawiish ayuu ka mid ahaa rag tirsan oo Daarood ah oo geelaa saami ka helay. Halkaasuu Ducaale ku sabool-gooyey.
Ducaale oo gabaygii Salaan aan jeclaysan ayaa marshey afarreydan soo socota oo uu ku halqabsanayo inankiisii curad isla markaana ugu qayshanayo Saahid Qamaankii reer Dalal, Ogaden hadii sheekadu ku xumaato.
Soofoow Sarkaalkuba marbuu sahayda waayaaye
Saabaanka waa laga tirshaa suudi-daarrada'e
Nin saboola iyo Awrna waa suluf dhaqaaqaane
Labadaba haddaan soori celin socod ma daayaane
Inaan waayo saranseer ahaa saas anaa furaye
Samri-waa Salaankii wax badan layga saamaxaye
Sawdkii horeetiyo Cawaan kaga sarriigtaaye
Suryadaan fadhiistaba qolaan summad ku duugaaye
Oo lagaga soocaa naflaha suunta wada yaalle
Saableyda meeshaan u dhigayna Saahid baa garanne.
Salaan markuu gabaygaa maqlay ayuu tirshey tixdan soo socota. Wuxu Salaan is tusay in dhaartii Soddogii iyo wacadkii uu qaaday uu buray haddiiba la daandaansaday. Tixdan oo la yidhaahdo Silsilad wuxu Salaan ku keeneeyey Ducaale Dheere iyo affareydiisii ayadoo aan Ducaale Dheere gabay danbe u noqon maalintaas ka dib, Saahid Qamaankii uu ku tashanayeyna uusan wax hiil ah ka helin.
Wuxu yidhi Salaan Carabbey isagoo ku halqabsanaya wiilkiisii Jaamac Seed.
Seedoow Ducaaleba haddii seexo laga waayey
Sedo inaan la hayn karin ninkaad siisay garan waaye
Ragba miduu sinjiidkii wadoo saa'ilaa badane
Saan joogsan weydaa waxbay sahaminaysaaye
Aniga oo Salaanaba haddii lay sal dhigi waayey
Yaabaye maxaan sugahayaa saaddi la i moodye
Suuldaaro oday waa kufaa Samay la rooraaye
Wax kalaad saraa'iye Alloow sahal amuurteenna
Safka Cali leh Sawjada dhashiyo Sebiga nuugaaya
Innamada saqiirka ah hablaha timaha saydhaaya
Sinji rixin dadkaygu u yahay Say-Abtoo xigaye
Saddex goor dulqaataye hadday saa'id tahay caawa
Waxba yaanan xidid waa Sunnee Seedigay deyine
Horta maan xanbaarada ku sugo saadsey geerida'e
Sidii kugu habboonayd adaa seegay taladiiye
Sayaxaadda adigaa la tegey suuqa qaylada'e
Adigaa Sallaan dheer la koray sah iyo geeraare
Dadkeennii sokeeyaha ahaa saas adaa yidhiye
Saqrad iga hel waataan wax badan saabur ku lahaaye
Sangaagurada? Nuur Aadan buu soo sasabayaaye
Wadaadkii beryaha saahiduu sulux ka doontaaye
Suubaalintii buu wadaa suuf is marintiiye
Wallee saafurtaa iyo tolkaa iga sameeyaaba
Inaan silic-gadaal kuu dilaa waa sidaan wadaye
Wax dhaaxaan xiniinyaha ka saray mida sinnaydeene
Suntaan qooshay waabeeyadaan kaaga sahay yeelay
Adna inaad Samuutaha qudhqudhin waa si la hubaaye
Dhirtu waxay ka sicir qaadataa sananka Nawriishe
Saadaasha roob waxay waddaa sagal kaliileede
Subxaanyadana saarmada ishaad saawisaa bahale
Wax Jadeerku sanaqaad yahay Soonah iyo Hiile
Carmona geedo kale waaku saar sudhan wariidkode
Soonqaadku Biluhuu u yahay saacidiyo khayre
Siidaal ayaamna waa Jimcaha laga siyaartaaye
Salaad laguma waajibin ninkii suufiyaad qaba'e
Nin ilaah wax siiyana beryuu Sadaqadaystaaye
Goortuu Sakada raaciyona waw sayidiyaaye
Dabadeed samaanbuu helaa saaid iyo khayre
Rusushii aralada loo sakhiray sikhigi iimaanka
Iyaguba sawaab kalama tegin saadadii hore'e
Maadaa ka saa'ida kuwii samada loo nuurshey
Gaaladana Siligaw warrama socotadii dheere
Saraakiishu hadal saabuday sayn ku bixisaaye
Salka gabayna Nuur-Dhegacunba saajac ku ahaye
Anna waxan saxeexaa markuu suura-gelayaaye
Waataan siyaakhadin jiree maw silsiladeeyey
Allahylehe sidaa waw galee sadar kalaan baanay
Geenyadu sullaacada horay saamataa Farase
Sayaxa Doogga waa siman yihiin Saalax nabadeed
Sengayaal marmaarriyey hadduu siico bederkoodu
Isagoo Sagaal qaday haddaad nadi ku saydhsaydho
Durba waxad saluugtaa intaan dhididku suurayne
Goortay sadaadaw nashtidhi saancaddaw taga'e
Sudciga geelu nimanbuu fadhiyey seedda reer Hagare
Aan weli saaraayiyo laqwiyin sawd-xun iyo ceebe
Sii-Aragba muu dayo intuu saca ku faanaayo
Soddonkiiba loogama horreyn saancadka lahaaye
Durba wuxu salookiyey markuu soofay Halihiiye
Sooraanta goortuu dhiguu seegay dhaxantiiye
Sarsarkaba ma soo gelin markuu booday sacabkiiye
Waa waxan Sareedada dhadhamin Saaka ka horoow'e
Goormuu waqtigu kuu sallixi, subaxyo maad dhawrtid
Siigada haddaan kaaga tegey salacyadii boodhka
Oon Summad wejiga kaa iftiyo Soofe kugu duugey
Saabaanna aan kugu xidhxidhay Sagabihii Koore
Saarsiinyihiina aad lahayd seedda labadeenna
Surka Xadhigga Seetada lugaa kaa sanqadhi doonta
Ninkii aniga kaa igu sukhraday saac ha kuu bixiyo
Waataad Siddibiq ii gashee cidi ha kaa saarto.
|