Mohamud Ali Fadal
Maxamuud Cali Fadal (HJ), 1900 -1952
Maxamuud Cali Fadal, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ka mid ahaa Qoyskii reer fadal oo ah Qoys ahaan reerka soomali ugu murti badnaa. Waa reer intooda badani gabyi jireen murti wax ku ool ahna maansada soomaliyeed ku soo biirshey.
Qorshe gabay Salaanbaa yiqiin amase qaynuune
Oo waatii iyana loo qariray Qoyski reer Fadal'e ................(Maxmud Saleban Hersi)
Maxamuud oo Colaad sokeeye ku naf waayey waxa uu gacan ka gardarani ku dishey dagaalkii sokeeye ee horraantii 1950kii dhex maray beelaha walaalaha ah ee HY &HJ. Waa colaadda uu ku qudhbaxay Halyeygii gabyaaga ahaa ee YAWLE oo safka hore kaga jira raggii Soomali ugu gabay-yahansanaa. Yawle iyo Maxamuud Cali fadal waa laysugu aaray oo labadaba gacan ka gar daran baa dishey aakhirona Ilaahii uuntay suaali doono.
Waxa maxamuud iyo Yawleba ku qudhbaxeen xarbi ahli ah oo in la xuso mudan si loo dareensanaado cawaaqib xumada ay leedahay colaadda sokeeye oo soomalida gaadhsiisa in wiil walaalkii dilo.
Waakii Yawle lahaa intaan la dilin
Ma maroodi baan habar jeclooy idinku maaweeshey
Ma Mooyaan idiin tumay gun waa loo mashxaradaaye
Gabaygan wuxu maxamuud ka mariyey colaaddii waagaas uu ku naf waayey. Isagoo tilmaamaya nin rag uu dabin la rabay ka baxsadeen oo duul aanu la doonayani dalaq yidhaahdeen buu tixdan ku maansooday.
Maxamuud Caloow dirir markii la iga deyn waayey
Markii aan daliishadey inay daacad tahay toodu
Darandoori waw ridi jiree toban miyaan daadshey
Ma lixbaan daqiiqaha ka dhigay duubiyada xoogga
Ma labaatan wada diidayay dani ka soo reebtay
Nimanbaa dubbuhu igaga dhacay lamase doonayne
Caynaanshe Dalab baan lahaa degello naafeeye
Reer Weydkan dihinbaan lahaa dayrta ku casheeye
Danyaroow Xuseen iyo ma galay dabatadii Muumin
|