Digaale Jaamac
Digaale Jaamac, (HJ)
Gigaale Jamac wuxu ka mid ahaa rag badan oo gabyaa waaweyn ah una dhashay gobolka Sanaag iyo Woqooyiga Sool oo aan Murtidoodu na soo gaadhin.
Gabayadan goo-gooska ah ma dhamma waxsaan rajaynayaa in akhristayaashu soo dhammayn doonaan.
1)Gabaygan waxa sida ka muuqata abwaanku ku siffaynayaa colaad abwaanka reerkiisa iyo beelo Daarood ah ku dhexmaray woqooyiga Gobolka Sool maanta loo yaqaan.
Gugii galaba Guuroow ragbuu gebi ku ciiraaye
Geelii la eed lagala tegey godanka Eexoode
Gobti iidle godobtii ka jare Naalleyii-Guro'e
Surad lama garaacee ragbaa helay Galaaskiiye
Guul bay ka keeneen halkay Baho ka gaabsheene
Caligii guraabbaasi jirey geesahaw dhige'e
Guntahaysta waxay kala dhaxeen gumuc rasaaseede
Gawdii danbeetana bir bay kaga guddoomeene
Bile-Waal halkii lagu gobluu gii'da ka hayaaye
--------------------------
2)Waxa gabaygan sidaan filayno abwaanku tirshey abbaara 1950kii, waagaas oo ay dhaceen dagaallo dhawr ah oo u dhexeeyey Habar Jeclo Bari iyo Harti.
Toga dhereran dhamacbaa ka shidan dhuxulo naareede
Cumar Faarax inu dhaawac yahay dhiillo ii timiye
Dhooyana? in laga qayliyay bay iila dhawdahaye
Adhi dhicida iyo ways xigaan geeso dhiig lihiye.
--------------------------
3)Gabaygan wuxu abwaanku sida muuqata u tirshey Garaad Maxamuud Cali Shire oo ahaa Garaadkii Warsangeli. Abwaanku wuxu uga degayaa Garaadka inay dhawrtaan dhalashadooda oo aysan sheegan Muxumud (Qabiil) oo Warsangeli Laga dhigay sidii Gaalgale Majeerteen u sheegtay.
Maxamuud Caloow Muxumud yuu idinku maydhaabin
Yuu magaca kaa dilin nin xumi waa maqaadiro'e
------------------
4) Gabaygan oo 3 tuduc naga soo gaadhey wuxuu ku sifaynayaa Geela.
Ramagramagta goortay Candhada ruugga marinaysey
Nin Raxaabadkeedii ogaa nabad ma raadsheene
----------------
5)Gabaygan kale oo isna 3 tuduc naga soo gaadhey wuxuu abwaanku ku sifaynayaa Geela.
Gobka Maxan haduu Haybadow geelu kor u dhaafo
Garaad Faarax iyo baa ku xiga guri Qayaadeede
Ha gam'ina ninkii gaadhxun waa laga gabraartaaye
--------------
6)
Dhoomaha wax loo iibsaday oo dhabaska loo tuuray
Dhulku Dheeg hadduu leeyihiyo dhuubatiyo Maydhaq?
Waa Dhuuxi Caymeed haddaa dhicin lahaydeenee
Waxay Dhuukisaba habar Jeclaa dhigatay xaaskiiye
Dhalay idinka jeexeen sidii dhiilcastii dumare
-----------------------------
7)
Cali Naalleeyoow yaan taladu ciiro kaa geline
Weligiinba naag ciriq qabtaa cidhib ku beeshaane
Cantar-Binu-Shaddaad baan ahiyo Cumarka?? waaweyne
Cismaan iyo cumar, iyo haddaan Caliyaraw yeedho
Oo ay sida waraabe u ciyaan cayn kalay noqonne
Caanaha intaa layska qubin celiya reerkayga.
|