Bal Ogow
Cismaan Indhoole, "HY"
FADLAN NOO SOO TEBI WAXAAD KA HAYSO MURTIDII CISMAAN INDHOOLE
Cismaan indhoole(Musa Abdalla) wuxuu ahaa abwaan weyn oo ay isu gabyi jireen rag ay ka mid yihiin Maxamuud Qaloonbi(Bah Majelo,HJ). Waa nin aan maanso badani iga soo gaadhin laakiin curinta maansada hibo eebbe u siiyey sida ku cad tixdan aan dhawrka tudux ka hayo ee uu ku sifaynayo gobannimada qoyskiisa.
Annaga ooryihii noo dhaxaa ma aradnaadaane
Alaabaa Sanduuq ugu jirtoo Udug ka daaraaye
Bal ogoow Addoomaha ilaah kala ayaan roone
Sida adhigu Geeliyo Fardaha uga itaal liito
Ama Gubanku oogada ka yahay adhaxda Jiilaalka
Annaga eebahay naga koryeel uumiyaa kale'e
|