Gaajada Hugeedii
Abokor Cawed Beyle, (HJ)
Codsi: fadlan soo dhamaystir gabayadan haddaad hayso
Abokor Cawed Beyle oo ahaa abwaan caan ka ah dhulka somalidu degto oo dhan
Waxa uu beri tegey England. Abwaanku waxa sida gabaygan ka muuqata uu ku taamayaa
nimco Ilaah kala kulmiyey qurbaha. Wuxu Abokor is garab dhigayaa noloshii xoola dhaqatada ee uu ka soo tegey iyo tan uu kala kulmay UK. Gabaygan wuxuu ku aadan yahay 1940s-kii.
Wuxu yidhi marxuumku
Geel iyo ninkii adhi leh bay gaajo wadataaye
Jiilaalku wuxu gaadayaa Guban xagaaftiiye
Geeddiga ha looyaamiyeen sida gabraareede
Geerida horteed daar cad bay gogoshu ii taalle
gadhka waxan u feedhaa sidii Goondharka Cadmeede
Gini kuma qadeeyeen haddaan gurada Noodh oolle
Gabaygaas waxa ka jawaabay nin aan u filayo Caydiid Lafcambe oo ay gabay wadaag ahaayeen Abokor, gabayo badanna isu tirsheen. gabaygu wuxu tilmaamayaa sida "LAMA HURAAN CAWS JIILAAL" u yahay ee aanu Abokor u hurayn ciiddiisa si kastoo Ilaah wax uga siiyo qurbaha. Wuxuu isagoo tusaalaynaya gefka Abokor uu abwaankaasi yidhi
Abokoroow sabaankii na helay waa ku sugayaaye
Kol uunbuu Ilaah kugu sallidi gaalka saynta lehe
Oo soo kac uunbuu ku odhan saafur baad tahay
Adoo soconayaad noogu iman sabadi Beereede
Sidii abwaankaasu sheegayey bay arrini ku danbeysey. Dhawr gu' ka dib ayaa Abokor Cawed oo masaafur ah laga soo dejiyey Dekedda weyn ee Berbera isagoo aan maalkii uu ku taamayey qayd ka wadan. Markii uu labadii go' ee cadcaddaa ee Soomalidu waagaas caanka ku ahayd qaatay ee u sahayaystay Miyi ayuu tirshey gabay aan ka hayo laba tuduc oo uu ku tilmaamayo in dharkii faqriga(go'yaashii cadcaddaa) uu mar kale qaatay.
Gooddiga Ban-Cawl buu fakhrigu geed ku lee yahaye
Gaajada hugeedii miyaa galabta lay saaray
|