Halis
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
"Halis Yaa uga dhow"
Gabaygani wuxu ku aaddanaa abaara 1964kii oo ay dalka ka talinayeen dawaladii
musuqmaasuqa oo uu awaanku ku eedaynayo habacsani.
Geeraar aan u hiloobiyo
hiyigeeda xamaasad
Indhoweyd ma hingaadin
Ha'dana wowga ku reebban
kamaan eegin Hamsaa
Gabayna waan ka hurdoo
kuma aan hindisoonnin
Hayeeshee afar haloo
Microhpne-ka aan haystiyo
Macfalkaan ka hadlaayiyo
Shicibkayska horjeeda
Aan ku haasaawinayo
Hamrashaygu dhegeystoo
oo ku haloola nadaamka
Oo ways hortaagan tihiin
Si aydnaan isu hiifin
Qunyar haad isu siiya
ama hoos u fadhiista
Hojiyey oo iska dhaafaye
Senge haybad wanaagsanoo
Midabkiisa Haldhaa iyo
hir caleeni ka laacdiyo
Daruur hoortay la moodo
Oo aqalkaaga hortiisa
Hadhac looga sameeyey
Aad halkiisaa ku rabbaysay
OO habeenkii ka danbeeyey
......
Hebellaa lagu laayey
hadalkii ku dhammaadood
Fadhiyaal hoganaaya
isu soo hinqiseenoo
Badh Jaraa la haleelay
Badhna Leedda-hidiidood
u hanweyn tahay kaaga oo
hubkiisii u dhamaysoo
halabsuugu dullaashoo
cabbaar sii hardaf siisay
Ay hilinkaysku arkeenoo
sida haadkiyo taarka
Hawadaa mari waayoon
Gammaankawgu horraynee
Magaan haydhmay ahaado
Cidla kaaga haraadood
tacabkii hibanayso
Hawlahaa dabadood
heensahood ka xeraysood
Halo iiba ku doontiyo
Wax kastaa ha heleene
Bahalkoodan ka hoyn iyo
halis yaa uga dhaw
Hojiyayoo iska dhaafaye
Hal gadaalisay fiidoo
geeleedii ka hadhoo
hadaftoo ololaysoo
mid kalay huri weydoo
ku hirawsato weydoo
Shan waraabe heleenoo
Afarteeda halbowle
Midba meel ku hagaagoo
ku hayaayirayaanoo
Kii lahaa hurdi maayee
Isagoo ka haleeliyo
Habeenkiisa ha joogtee
Haadkoodoo berri muuqdiyo
Halis yaa uga dhoow
Hojiyayoo iska dhaafaye
Awr weynoon hayinoobinoo
Caruurtaad u hadhaysiyo
inaad heeryaba saartiyo
Haamaa kuu oggolaynoo
hagardaama yaqaannoo
Hawshiisii badatoo
kala laaya hayaanka
Iibkiisaad hindisootoo
hogshinkaa dadba joogiyo
Halkaa seyladda keentiyo
Baayiciisa hibaysoo
Hilibluu la wareegiyoo
Kuwa aan hakinayne
Mindiyaa badan haystee
ku haadhaadinaya
Cismaan aad la heshiisiyo
Berroo haanka la gooyiyo
Halis yaa uga dhow
Hojiyayoo iska dhaafaye
Inan heeggiyo jooggiyo
Hannaankaa sare fiican
oo dhar kuu soo huwatey
oo handaraaf u dhaqaaqday
Oo waa heblaayo Fulaan iyo
Hogteennaaba ma joogto
Toloow yaa heli doona
hawra-hawraha beena
hanfaduu ku yidhaahdo
ood haybteedii ku dhaqaaqday
Oo halka ay u idlaatiyo
Head-clerk lagu sheegay
oo haweeyaay kinsiyeey
Hodaneey Hindisaaay
hibooy faadumo-luuley
Hooyadeed ugu yeedhay
Aad hadlisoo damacday
oo aabbaheed la heshiisey
Oo hantigaagi ka geysey
Habeenkii ka danbeeyeyna
qaadigii la hor keenoo
Weligeedi hibeeyey
oo shuhuudkii halka joogo
Hadalkii labadiinnana
HAA uun laysugu keenay
Ay qudbaddii u hagaagtoo
hablihii gelbinaayey
Dib u soo hitiqsheenood
habeenkaa ka maqnaatay
Oo hiimsahiimsaha waaga
Haweenkii is gurteenoo
hawshiinuu guntadeenoo
Aqal aan Gobka hoose
Ka hareera yaraynood
sida heegada mooddo
halkaa looga aloosay
habna looga cayaaroo
Hanna-Haybsan galbeediyo
Hoo-Labeeydu ka yeedhay
Aad isu soo hoyateenoo
dhallintii ka hobshaysoo
La haasaaway cabbaar
oo waa halkaad la sugaysee
Cishii haad lagu siiyeyood
Keligiin ku hadheen
oo intii aadan haleelin
Hijiin waayo shaqeeyiyo
Hullaab aad ka dareentayoo
Hammaddii ku xumaatay
Mar haddaad hantigeeda
U head-man noqoto
Hula sheeg iyo faallo
Horaa looga maraaye
Sidaa waayo ku haysey
Oy reerkeedii hanan weydoo
Aqalkeeda habaaska
Meel Hayaan degey mooddid
Markaad Hoyga timaaddana
Huruuf kuugu dhaqaaqda
Waxaad hoos ugu sheegtiyo
hadalna kaa maqli weydo
hindisaa kula jiidhay
hubsiinaa u dhinnayde
Hilinkaad uga baydhiyo
Inaad hawdhka cunsiisiyo
halis yaa uga dhow
Hojiyayoo iska dhaafaye
Taajir xoolo hayeen ah
aan maalin laysku hallayiyo
habeen-sooryo lahayne
aanad hiil ka sugeyn
hoo-na kuugu fillaynoo
Adduunkii hawo dhaafshoo
Kibrad kuula hadlaaya
qasnadaa la hilaayiyo
hodantiinada maalka
Rabbi waa hurgufaayoo
waa u hawl yar yihiine
Wax dabayli huf siisiyo
habaas buu ka dhigaayoo
Isagay hodayeene
In Hanaab laga joojiyo
Halis yaa uga dhow
Hojiyayoo iska dhaafaye
Hal madoow nin yaqaanoo
Ku heeryeysan kitaabbo
oo wadaad Haajira sheegtoo
Jubbad weyn ku hadaafa
Dadkana been ku halleeyoo
Qoladaasi Hallawday,
Inagaa ka hagaagsan
Hagaabaa ku maraaya
Maalintaan la hurayne
Ilaahay la horjoogee
Kitaabkiisu hadlaayo
Halawgeeda cadaabtiyo
Haawiyoo lagu tuuriyo
Halis yaa uga dhow
Hojiyayoo iska dhaafaye
Nin harraad iyo gaajo
Labadiiba hayaanoo
ku hareera jiraan
oo halac dhoominayaanoo
maalintii hadhsan waayoo
Habeenkii ledi waayey
Oo hammigiisu shidaayo
aan Cidinuu hawalayn
Iyo nin dhergoo hadhac jiifa
oo sariir dheer ku hurda
Oo hatigaad iyo dhaar iyo
hagardaamo u geystey
oo halkiisiiba ku doontay
Isagaaba halawsane
Heddiisaanu arkayne
belaayaa hud-hudaysoo
hargaa loo tumayaaye
In hiihaada la taabtiyo
Halis yaa uga dhaw
Hojiyayoo iska dhaafaye
Odaygii Hunuraana
ee hagardaamo yaqaan
ee hungureeya dadkeena
oo hadba meel ka ugaadhta
Oo shisheeyaa horkacaaya
Oo habeenkii gudinaaya
Halqigoo iska eegiyo
In halgaad lala eegtiyo
Ummaddoo wada hiiftiyo
halis yaa uga dhow
Hojiyayoo iska dhaafaye
Wasiir aad u hanaysey
haybaddii waddankiinna
Oo taajkiisii huwisey
Oo haaneedkiisi u dhiibtayoo
Nimcadiisa hidiidey
aad u hoggaansan tihiinoon
Isba kuu hawalaynin
Hanbo uu kugu weecshiyo
Horaad kuu oggolaynoo
maxaa loo hadlayaa iyo
hanjabaad ku daraaya
oo kuu higgaadanayoo
inuu meel ka heloodiyo
Dhaxal loo hadhay moodoo
tacabkiini ku haysta
Aan shicibkaysku hagaajine
Laba heeri ka yeeloo
kala haybsanaya
Amase uu hadafkiisa
Iyo hannaankeediyo dawlad
Sida loo hirgeshaayeey
ku hagaagi karayso
Kala haadba yihiinoo
Hayhaataysu jiraan
Uu qaynuunkii Hirdiyo
Oo taladii ku hafto
Awel baad u halmaantay
oo nin horaanu ahayne
hubsiinaa u dhinnayde
Wixii uu hindisaayey
Isagoo ku hunguubood
hadhuudhlaa ku dartaan
oo mid kaloo ka hagaagsan
halkiisii dhigataaniyo
halis yaa uga dhow
|