Wacdi
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
Gabaygan wuxuu abwaanku kula hadlayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Yuusuf Nuur Jaamac la odhan jirey oo uu ka dareemay inaanu u dheganugleyn cibaadada iyo cabsida Eebbe.
Wedku kuuma oga yuusufoow wiil inaad tahaye
Waagii beryaba mawdku waa kugu wareegaaye
Waayeel caddaadiyo u siman weled saqiiriiye
Inaan "Waarantiin" laysu qorin waa war la hubaaye
ninbase maalintuu waaqif yahay waaxidkaa garane
Aakhiro walaalaha dhabi wax isma siiyaane
Waxad laguma soofsado adduun nin isu waaloowe
Anaa wadarta reer hebel ah iyo waalid muu jiro
Ninwaliba wixii uu dhigtaa waaran ugu yaalle
"Waygii" Ilaahay nin jaray laga wanaag roone
Shaydaan wixii weheshadaa weylintuu kace'e
Weysada ha deynina ayuu inna wadeecaynne
|