Ilaahay ka baqa
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
Islaamnimadu waa door ninkii Eebbe solansiinne
Aftalkeeda hore waa markaa la ashahaataaye
Salaaddaa ayaan iyo ayaan la ijtihaadaaye
Soonkaa anfaca maalintii laga adkaystaaye
Sekadaa aduunkiyo dadkaba la iska oofshaaye
Nin awoodi karayoow xajkaa lagu itaalaaye
Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye
Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye
Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye
Adxa iyo Fitrina waa jiraan labada iidoode
Iyagana sunnaa lagu ismoo mu'akad weeyaane
Ajri xoogleh baa laga helaa ururka maantaase
Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye
Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye
Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye
Allabariga waxa loo qalaa odayadeenniiye
asaxaabigeennii dhintaa lagu addeecaaye
Ehelkaan wixiid aad tartaan loogu anafoonne
aakhiro wuxuu kugu noqdaa ololki naareede
Itinkeeda waa laga durkaa dhaxal agoomeede
Tuugiyo Ammaanaan la cunin oonna loo dayanne
Eegmada habluhu waa waxaad ku ibtiloowdaaye
Ololaa cayaartiyo Sinaa laga adkaystaaye
Afkaagaa sukuud laga noqdaa odhahsan mooyane
Awlaadsibaa lagu daraa duciyo aammiine
Markaasaa Ibleyskiyo Kufriga laga adkaadaaye
Oo aad albaabbada Janada orod ku gaadhaaye
Ilaahay ka baqa kaasi waa ereygi weynaaye
|