Hadalku soo dhaaf
Jaamac Axmed Jaamac "Gacmadheere", "HJ"
Waa colaaddii horraantii 1950kii ka dhex aloosantay beelo walaalaha ah ee HJ &HY.
cabdi gahayr waatii uu gabyey ee yidhi,
Dabbaal nimaan aqoon Ceel dadliqi waa dig siin jiraye
Maantana Dugaaggii miyaa Dacawadii laayey
iyo gabay kale oo ay naga soo gaadhey
Waxarii ma Habar Yoonisbaa kaga wiqiiq siisay
Waraabii Xalxaliseed miyaa weydi ku harraaday.
Jaamac markii uu gabaygaas ka jawaabay baa loo tebiyey inaan Cabdi Gahayr hiil u geyn gabayadaa ee ay niman doonayey inuu gabyaa laaluusheen waayo wuxuu ahaa nin gabaygiisu tisqaado oo sida birlabta wax u qabsado.
eedayntan lama caddayn hayeeshee "Gacmadhere" oo iska rumaystay baa gabay kale u noqday. Ma hubno in gabayada Gacmadheere gaadheen Cabdi Gahayr ama uu ka jawaabay.
Wuxu yidhi Jaamac "Gacmadhere" (Gabaygu ma dhamma)
Hilib gabayga kuma iibsado iyo hadhimo maalmeede
Hankaygaa ka weyn soor inaan ku hungureeyaaye
Hadrad uma nidhaahniyo midaan nagu habboonayne
Kama hadallo laba reer intay meel isku hayaane
Kolkay qolo "Hanaab"joogsato ay hooto ridi weydo
Hebel baa la eeday iyo markuu hiifku demi waayo
Aannu hubsannaa baan tixdoo "Haadha" ah tiriyaaye
Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
ma habeeyey Beyd-gaabku waa kala halleeyaaye
mar haddaan hollado maansadaan hibo ku yeeshaaye
Caawana sidii Hoorrimaad heego maw curiyey
hadday nabadu hanaqaad ku tahay lama halaajeene
Harraad kuma idleeyeen qarfaha Hogo kaliileede
Hadba qolo heddeedii gashaa hogob u laacaaye
Waxa habar-Magaadluhu is yidhi haantan soo furo'e
Halaqyaa ka soo baxay markay hilayga taabteene
Waabeeyo huurtiyo sun bay hidif ka siiyeene
Hoobaaq dalooshay lugaha kula hantaaqmeene
Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
ma habeeyey Beyd-gaabku waa kala halleeyaaye
mar haddaan hollado maansadaan hibo ku yeeshaaye
Caawana sidii Hoorrimaad heego maw curiyey
Muusuhu hareerbuu degaa waaba kala haade
Harti ways qabteen Barina waw kala hayaameene
hindisoode reer Maxamed baa holi karaysaane
Intii ay hubkii urursadeen humiye duullaane
Horweynada fadhiya weerarkii hiirta lagu baadhye
Hawshiyo dilkaa nooga fudud hoohad soo dhacay
Hayaaydiiba kumanyaal dablaa hiil la soo kacaye
In weyn kama hadhaan wiilashay Haybad korisaaye
Goortay Xeryaha ka hinqiyeen laga haleelsiiye
markuu Haand-Garnaylkii ku dhacay halawgi maadhiinku
Hijiinkii Sanweynaha markay hiririgtii yeedhay
.................
................
Afartaa intaan ha'da ka deyey hilin ma qaadsiiyey
ma habeeyey Beyd-gaabku waa kala halleeyaaye
mar haddaan hollado maansadaan hibo ku yeeshaaye
Caawana sidii Hoorrimaad heego maw curiyey
Waxa talada hoodo u lahaa Habar-Xabuusheede
Hakan waaye nimankay wax badan hoga tusaayeene
Diin baynu wada haysannaa hadalku soo dhaafye
Hayb baynu wada sheegannaa hadalku soo dhaafye
Hurintii Isaaq baynu nahay hadalku soo dhaafye
Hoosaynu soo wada galnaa hadalku soo dhaafye
Hantigaynu kala soocannaa hadalku soo dhaafye
Haasaawaheenaysu furan hadalku soo dhaafye
Hablahaynu kala guursannaa hadalku soo dhaafye
Haraday farduhu wada mirtaan hadalku soo dhaafye
Daarood dhanbuu naga hayaa hadalku soo dhaafye
Hiilbaa innoo xeer ahaa hadalku soo dhaafye
Heeraabadeenaysku jabi hadalku soo dhaafye
Hagar iyo Wacays baynu noqon hadalku soo dhaafye
Qoluunbaa habaas lagaga tegi hadalku soo dhaafye
Hagardaamadeenaysku badan hadalku soo dhaafye
Geelaa xeryaha hawdh ka noqon hadalku soo dhaafye
Hadhuubbada gallacanbaa la qubi hadalku soo dhaafye
Caydhaa hareeraha u bixi hadalku soo dhaafye
Habeenbaan guryaha lagu ledeyn hadalku soo dhaafye
Hooyaay ma kala joogsannaa hadalku soo dhaafye
Waxsuu haatan naga taagan yahay labadi haamoode
Mar hadduu is hiirowsigii noo hirgeli waayey
Bagaa loo hawirey wiilashii haadda la ciyaaray
|