Ustareli/Tarabbi
Cumar Ustareeli iyo Xasan tarabbi o ahaa laba abwaan oo waaweyn waxa dhex maray dhawr gabay uyagoo kala metelaya labadoda beelood ee walaalaha ah.
Silsiladdaas labada abwaan is weydaarsadeen oo aanan wada hayn waxa k amid ahaa gabayadan soo socda oo aan dhammayn.
Xasan Tarabi ayaa Cumar ugu jawaabay gabayga xeesha-dheer ee CIDDID-JIID la yidhaahdo ee faanka iyo gooddiga isugu dhafan.
Cumar Xuseen Wuxu gabaygaa uga jawaabay gabay dheer oo ay naga soo gaadhey;
Abidkiinba wadaad qaawiyaa qayd idiin lula e
qadaadweynta reer sacad hadaan qabarka gadhsiiyo
qolmadoobe iyo cayn haduu qiiqu sare u duullo
qudhoon kaa jaro iyo naftood qariso mooyaane
qaaxada ninweyn oo dhurwaa qodayo mooyaane
qolqolada nin joogoon abtow qarino mooyaane
qareen iyo xigaal kaynu nahood qirato mooyaane
qowsaarro tobana oo hilibka qalaya mooyaane
qoraxay ogaadeen hadaan laga qareen raacin
hadaan nabada waad quudhsatee qaalin lagu doonin
qosolkiyo haddaan Tarabiyow quruxdu beenoobin
|