Yamyam
CabdilQaadir Xirsi "Yamyam", (MR)
Duqdii Reerka lama Dilin;
Cabdilqaadir xirsi wuxuu isagoo difaacaya adeerkiis Afweyne tiriyey tixdan soo socota oo uu uga qayb galay "Deelleey".
Deelleey Durbaanleey
Dadab iyo Dugsoonleey
Derejiyo ammaanleey
Calan dawladnimoleey
Taariikhdaadu durugsane
Raad isdaba-taxnaanleey
Dood aftihannimaadleey
Danbeeddada ka maraneey
Nin waliba dan kaa lehe
Duqdu yay i raacine
Deelleydu waa shaxe
Aniguna hog baan degey
Markii Qalin-daraalaha
nin-dorkaagu qaybsaday
lugta waan danbeedshee
Dulucdeedu waa maxay
Adigoo i doortoo
deexashada hingaaddiyo
Dareen igu hoggaanshoo
Dibnahayga Hadalkiyo
Anfacada u diidoo
i dabrada ha joogtee
Ninna iima kaa diro
Damac iyo fekrado kale
Darar igama keenaan
Adigoo an soo degin
daad soo rogmaday iyo
ima kiciyo duufaan
naxariis dub-jilicyo
Qalbi diira waan dhigay
Adaan dayro kuu ahay
inta daanka haraggiyo
Diir madow i leeyahay
dariiqaaga mooyee
Kuma mariyo daw kale
Qabiil kuguma soo dumo
Kuuguma dagaallamo
Dastuurkaagu Qarankiyo
Dadweynaha sabooka ah
Difaacooda weeyaan
Deelleey darbadoleey
Dawo Caafimaadleey
garasha u dahsoonleey
Garaad daacadnimleey
dahab iyo Dun boqorleey
Dakaniyo colaadleey
Dacar iyo dhunkaalleey
Wadataa dildilaleey
Bulsha daadaheeyaay
marna beelo dumiyaay
Duqdu yay i raacine
Deelleydu waa shaxe
Aniguna hog baan degey
Seeftayda dananteen
Dad-xumaha ku laayaay
Dumbuqiyo rasaastaan
Danyare ugu hiishaay
Dawadaan kalgacalkiyo
xiisaha dadka is jecel
dibnahooda mariyaay
Darmaantayda keliyeen
Duunyaba ka haystaay
Kooraha dalxiiskiyo
Indhadaal Xariiriyo
Ubax u eg daruuraha
Marka waagu daalaco
Shuucaacu diillimo
Dacallada ka mariyiyo
Haddaan shaal cad kugu dedo
haddaan milicda duhurkii
kaa dallaalimeeyoo
Dusha kaaga dhigo cadar
Xooki gool duqoobiyo
haddaan darib nin weyniyo
Dufan subag leh kugu shubo
Haddaan Dayra-dhaafyada
Dhaxantiyo dabaylaha
Dugsi meel leh kugu xiro
Dabra-weerar weeyee
Dirirtiyo colaadaha
marka Dooyo loo baxo
ma dabbaal degeysaa
Deelleey dareenleey
Damiir iyo xishoodleey
Daa'uus baalashiileey
Aar dibjirey Dalqadileey
Yaxaas daamankiileey
naxariis dulmanaleey
Kolkay dood gun dheeriyo
Nolosha u dagaal tahay
inta dabaqaddeeda ah
ficilka u damqadaleey
Waabay dukaanoo
dadku Biil u qaataay
marna malab dawo ahoo
Buke lagu dabiibaay
Sahankaan dirsadayeey
Shalay waadigii digey
qaran waadigii dumay
Dulmigayska daabacay
webiyada? ka dhigay danab
Dulmanuhu ninkii dagay
waa ku laba dibleeyaa
Waase lagu dafirayoo
Runta daawadeedii
Dhegtaa laga dabooshee
Waabeeyadi la dedayiyo
haddaa duurki ololoo
lix sanay danbeeyeen
Duulkaad u heestee
maantana ka durug Toban
kuwa rays derderay iyo
Hurudadu? ha daashee
Dulmarkaaga sheekada
Dulucdiyo Ujeedada
Ninkastaa danbariyee
Duuggedu waa sidan
Dacar geeda lagu shubay
Dambiil dhagaxa lagu guray
Dhuxul iyo dab lagu ridey
Ma la dumay ma lagu diday
Ma la dumiyey waakee
Waa aragti daymo leh
Waxan uga dan leeyahay
Duqdi reerka lama dilin
Lama duugin mana dhiman
Dhaqan diidey baa jira
Duul rumaysan baa jira
Durbaan caawiyaa jira
Dhaqaalaha danbeeyay
Dibu dhaca garaadkay
ka dab qaadataayoo
Shalay dalandalkeediyo
Maantooy duq weyn tahay
Dameer dhegihi weeyaan
Taa waxaa ka sii daran
dawadeeda ruuxii
baadi doon yidhaahdaa
Kitaabkee ka deyayaa
dejey oo hadana raray
Dhanbaal kale ku soo durug
Doodda xiisaheedii
Aan dawaarka mariyoo
runta kuu bog-dooxee
Danab caydh ma layn karo
Cimilada dayacan iyo
Dabeecadaha ruux sugey
Kama doojo weel maran
Feker Muruqa diidaa
Gaajo doob ah kama baxo
Dusha oo la saariyo
in la duugo mooyee
Fadhi daaddah kuma kaco
Dab dhafoorka lagu gubay
Duumo laguma cidhib tiro
Fakhri meel hadduu dego
baryo laguma didin karo
Dulucdeedu waxay tahay
Doog kastaa ha qaraxdee
Dembi waa u kayd fale
Xilna damaq ninkuu dhibo
Doqon hurudda yeelkeed
Farda didayna talo maleh
danta raac gunteedoo
dadaal ruux kastaa faran
Taariikhdu duugeed
Dab la shidayna nuurkii
Indha baal-dillaacsaday
Dareenkoodu waa dhaxal
Sheekana nin doorkeed
Deelleeyna noo furan
|