Yuusuf X Aden
Yuusuf Xaaji aadan, (HY)
Yuusuf xaaji Aadan oo ah abwaan caan ka Somalia waxa uu tixdan Deelleyda ka midka ahayd ugu jawaabayey
ninka la yidhaahdo Yamyam oo uu saluugay erayadiisa.
(Ma Dhamma, fadlan soo dhammee)
Deelleydu waa shaxe
ninba dooddi uu yidhi
Naga saxa dadweynoow
Tii ugu danbaysaay
Digdig iyo damdamaleey
Daasad iyo qabqabaleey
Farda didiyo doobleey
Kun dubaaladdoodoon
ilays daari karinleey
Abwaankii dalkoo idil
debedda ugu baxayee
Africana u doodoow
Deelleydu waa shaxe
sowdigaa cidlada degey
Maxaad hore u durugtaa
maahmaahdi Diinkee
Afkaan doog ku cunay Caws
Kuma daaqayo ahayd
Ayaad dib ugu guurtee
Iminkaba ku soo durug
Deelleyda maansada
Ha u dudin hanuu digin
Cadho hays dareensiin
|