Cabdi Iidaan
Cabdi Iidaan Faarax "Arab"
Gabaygan wuxu abwaanku uga qayb galay "deeleydii" 1980 ka bilaabantay dalka ee lagu dhaliilayey Daaquudkii dalka waagaas ka talin jirey.
Maansadu waxay inta badan u jawaabaysaa Alla ha u naxariistee Cali Cilmi Afyare oo deeleyda isna ka qayb galay.
Deelleey dareenleey
Rag Alloow ma dooxaa
Ma dillaaciyaa nabar
Daboow duur galoo olol
Adiguna Digooy gubo
Danba maw idhaahdaa
Habartii docdeediyo
degelkay ku noolayd
Daruuruhu ku hooreen
dadka wada hel mooddoo
Daad-wararac bay tidhi
misna talada kuma darin
inu duud abaariyo
Degel lagu harraadiyo
Gobol lagu darleefiyo
darxumooyin muuqdaan
Dirqi-ku-nool u badan tahay
danyartiyo shaqaaluu
daasad garawa goyn karin
Inuu Duhur-Dalawgii
Debedaha u suudalay
dibjirkii ku maqan yahay
Waase Dumare yeelkeed
Dibigii Xareeddiyo
Dooxadu u buuxdee
Dinaahyeeyey ee ciyey
Isagiyo dibbiradii
Duuluulka Karantiyo
Dayrtiyo Jidhaamaha
Dareenkiisu kama foga
Lo'eey dabargo'aagii
Dabadheer abaartii
dariiqyada wadhnaantii
Dawyada tubnaantii
Dabadeed dhulka u dhow
Duunyada u tabar-daran
Dumar seben barwaaqa ah
Subag kaa dudduuciyo
Nacasbaan ku deynine
Kaa durug nin fiicani
Afartaa dheh deelley
Dadkaa lagu habaaraa
Ducona waa u dhawdahay
Alla Ku Doori waa maxay
Daad kor u socdaa jira
Durdur oomay baa jira
Dabar waashay baa jira
Dameeraaba Weyl dhalay
Sacab timo ma laga deyey
Duqdi nirigti kama gudhin
Isku dununuc reentee
Daawad Gorofka yaw culay
Suaashaasi dawga ah
Danyar cabashadeeda ah
Dulmanaha warkiisa ah
Kacaankana Dansheegiyo
Dawya u tilmaanka ah
Duqu yidhi abwaannada
Dareenkiina soo dhiga
Diqsi ururay baad tiin
Nin deggani ma odhan karo
Duuflaalse mooyaan
Dirxiguba dantiisuu
Qudhunka u dabbaashaa
Waxa taa la derejo ah
ninka soorta duufka ah
dadku nacay isagu cunay
dardarsaday Fandhaallada
Anigaa dushaydiyo
warma danana iyo seef
Dunjigayga lala dhacay
Doofaarka ficil li'i
Naar loogu daayimi
Horta maan dagaallamo
Duqa yidhi ma maqasheen
Dul-ka-muummin baa tahay
Uur-ka-Daallin baa tahay
Dibno Kacaana baa tahay
Isha bidixna kuu daban
Dalba-Juuqahaaguna
Wax la dedo ka xeel dheer
Allow yaa ku dooxoo
Haddana aan ku dilinoo
Waxaad damacsantee kale
Debedda ula soo baxa
Afartaa dheh Deelleey
Dabray oo ka jeedladay
waxan uga danlee yahay
Dadka reer Jaboutee
Dawladnimada tooda ah
Cidna aan iskaga darin
Waa deris walaalkaya
Dugsi weeye gacalnimo
Anigu waan ku diirsaday
Lama dira-diraalayn
Ha daardaarin waa gobe
Aniguna ma diidani
Dugaagbaa ku shiray meel
Daawana way lahaayeen
Hal dubaaxa buu helay
Waraabii dedaalkiyo
Duqa weyn isaga buri
Darribtii u wada dhigay
Waa kii Dawrigii Aar
Ku dellaley dharbaxada
Inuu dilose ma ahayn
Wuxu yidhi Dayooy hee
Adna Dogob qaroomee
Isku wada darsay tidhi
Wuxu yidhi Dayooy yaa
Daacadnimada kuu dhigay
Dacawadi waxay tidhi
isha Cali ninkii deyey
Digniin wawgu filan tahay
Dibna leef shariir hoo
Dufan jecel dheryaha kari
Diktoor beena sheegtiyo
Afarrey ku daahiyo
Mid Ammaana doontiyo
Dir-cunnooy ha kala tegin
Adiguna Dameeroow
Dawankaaga qaadoo
Higso faraska Doolaal
Dani seeto weeyee
Daba soco ma gaadhide
Haddii gabayadii Dura
Salfudaydka lagu daray
Degdegsiinyo weeyee
Mid ka daran ma sheegnaa
Darbanoow Astaadkii
Seyidkii Daraawiish
Kula diriray gaalada
Dar Allee habaarkii
Labaduu is daba dhigay
Dalka yidhi idiin tali
bal darmay ahaayeen
Anuu daaha kama rogin
dadkuse waa yaqaannaa
Dabbaal barad caruuriyo
Dhalinyaradu daashaye
kolka daan-cirrooliyo
Raga madaxu Deeb yahay
Dirirta isu soo hadho
Warku daaqsin geel tago
Ninba maaxdi haw dego
|