Deelleey
Maxamed Xaashi Dhamac"Gaarriye" (HA)
Dig dheh deelka maansada
Tixo Dir iyo Daabaca
Isku duubni wadareed
Ha ka dido shan-xuubluhu
Arrin waa la diga rogey
Doonyihii la raran jirey
Markab baa ka daba yimi
Cirka haadda duushaa
Ka duuduubte samadii
Waxa helay Dayuurado
Dejey baalashoodii
Daacuunki firidhkiyo
Daaniyii dhaqaalaa
rag duraa ku soo baxay
Kuwa daafka fidiyiyo
Dablayaasha dhimanoow
Digtoonaada way kane
Taariikhda duuga leh
waxan ugu hor daabacay
Xil damiirku qaadiyo
Waa faral dushayda ah
Qalinkiyo Dawaaddaa
inaan fuliyo ii diray
Waxan uga dan lee yahay
Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox
Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi
Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura
Qabiilkii Dorraad yiil
Isticmaarki baa dumay
Shalay daba-ka-naax iyo
Dibitaati baa waday
maantana dillaal iyo
Dibir baa ku xoogsada
Waa dabin qarsoodiya
ummadday ku dagayaan
Boobkay ku dedayaan
Qolo-qoladan loo degey
kama dhalan dadweynaha
Ragga dacarta huriyaa
Waa kooxo duuma ah
Daadihiyayaashiyo
maamulkay ku dumanyiin
qaarbaa diktoorra ah
Degreegoodu madhan yahay
Qaarbaa Durbaanna leh
oo daacaddii jaray
Darna waa hagoogtaan
Waa deniyo waaweyn
isku soo dabbaaloo
waa Dabaqad maal jecel
Waxa loo dig lee yahay
Dhididkaygan dahabka ah
Sidii loo duddubin laa
Afartaa docdaa mari
Dugsi maleh qabyaaladi
Waa dararta baahida
Waa astaanta dibu dhaca
Waa boog dalooshoo
Dadka maanka uga taal
Dirxi qudhun ku nooliyo
Waxa fadha nin daallina
Damqa oo ku joogsada
Balse dira-diraaloow
dabka yaad u sidataa
Yaad daafacaysaa
Haddii uunku kala dido
Yaa dulinka kaa layn
Dibjir iyo nin xoolo leh
Denbi laawe iyo tuug
docdoc weeye shicibkuye
Yaad daawo leediiin
Waxan uga dan lee yahay
Haddaad duullimaad tahay
Riddo waa u meel dayo
Docor yohow abtiriyaa
Armaad dogobka qiiqa leh
derintaad ku huruddiyo
Dushaaduun ku hurisaa
Afartaa docdaa mari
Tixdu way dagaal timi
Waa daabbad aan biqin
Cilmi baa u diirada
Durba gumuci koowaad
waxay daartay nabarkiyo
waxa doogta ugu wacan
Dawadiise may gelin
Kuwa ararta daajiyo
ragbaan ula dan lee yahay
Deelleydu waa koow
|