Laabta ka ogda
Faarax Nuur
CODSI: Fadlan Gabaydii Faarax nuur waxaad ka hayso ii soo tebi, siiba kuwan hoos ku qoran.
1.
Lix halkaa ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada
Luquntana haddii laydin jaro lugaha meermeersha
Laqantooyo kaagama dartee laliya duulaanka
Laarrigana ha daynina wixii lumaya yeelkiiye
2.
Kun la dirira idinkoo konton ah weydun kaafiye'e
3.
Namiimiyuhu warkuu sheegayaa nacas run moodaaye
Ana nadartu wixii aan arkaan nacam idhaahdaa.
Nin ku xiga naxliga kuu galaa nudayga kaa gooye
Nugaalna an tagee reer Xirsow nacay agtiinniiye
4.
Haddaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay
Sow inaan dantay waarriyaa igu wanaag maahan
5.
Aduun waa waano iyo Haashimaw wariyo sheegsheege
Arabna sidaan ka weynahay ayaan wax ugu sheegaaye
Hadaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay
Sow inan danatay waarriyaa igu wanaag maaha
6.
Waraabaha candherley
ka Cayn geela kulaayiyo
Ka Carmaale dushiisa
Arab kiisa cunaaba
isaga weysugu cayn.
|